Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii ka dhacay Muqdisho iyo Sarkaal Ka Tirsaneyd Ciidanka Milateriga oo Ku Geeriyootay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay inta badan Magaalada Muqdisho,kaasi oo ka dhacay Taalada Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere.

Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,isla markaana waxaa sigaar ah ugu qarxay Koontarool ay leeyihiin Ciidamada dowladda oo ku yaalla Wada aada dhinaca Xabsigii hore ee Godka Jilacoow.

Warar aan helnay ayaa xaqiijinaya in qaraxaan lagu weearay Gaari Cabdi Bile ah oo ay wadatay Gabar kamid aheyd Ciidanka Milateriga dowladda,waxaana xiligaas gaariga uu marayay Koontaroolka gaadiidaka lagu baaro ee Ciidamada,iyadoona ay saarnaayeen gaariga iyada iyo Ciidamo aad u badan oo ilaalo u ahaa.

Gabadha la weeraray ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Faa Cali Raage,waxaana la sheegay In iyada iyo Ciidamadii la socay ay gebi ahaanba goobta ay ku geeriyoodeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halkaasi,kuwaasi oo xiray dhamaan wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Aaga uu qaraxu ka dhacay,isla markaana waxaa ay ridayaan rasaas.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in ay soo dumeen qeybo badan oo kamid ah Guryihii ku yaallay goobta uu qaraxa ka dhacay.

Dhanka kale ilaa iyo hada weli si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.