Afar Go’aan ayaan Dowladda Ka sugeeynaa!!!.

Waan u jeednaa Go’aanka Kenya & waxa ey Soo wado, waa in Dowladdu ey Ka qaadato Mowqif cad.

1- In aanan laga noqoneyn Dacwada Maxkamada hor taal ee Baddeena.

2- waa in gabi ahaanba la joojiyo Qaadka.

3- Dayaarad Ka Soo duushay Kenya toos Uma imaan karto Somalia, eyna Ku jiraan kuwa UN.

4- Hayaddaha Caalamiga ee Somaliya xisaabsan ee deegaankoodu yahay Kenya, Bacdamaa aanan Kala xiriiri Karin Kenya waa in:

a) Kenya ey Visa la’aan Ka dhigto Passport-ka Somaliga.

b) in Hayaduhu u Soo guuraan Dalka Jabuuti, ama aan toos ula xiriirno Safaaradaha iyo wakiilada hadaba u joogo Jabuti, ama ey xiriirkeena shaqo u wareejiyaan Wadamada aan passport-ka Somaliga Visaha laga Rabin sida Itobiiya ama Ruwanda.

Afartaa farood ayaa noo tagan, Suulkiina waa noo dhiman yahay.

Qore: Yahya Amir