Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo maanta u amba baxay dalka Turkiga

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Turkiga.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabullaahi, iyo maareeyaha dekadda Muqdisho, Axmed Maxamed Maxamuud ayaa kamid ah wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka hoggaaminayo ee u baxay dalka Turkiga.

Dhanka kale Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa inta uu joogo dalka Turkiga waxaa la sheegay in uu kulamo la qaadan doono mas’uulyiin ka tirsan dawladda Turkiga.