Maqaamka Gobolka Banaadir oo noqotay xaalad degdeg ah ee ka jirto aduunka

Waa maxay xuquuqda ka maqan Gobolka Banaadir.
Waa maxay 3da-4ta-5ta Malyan la sheegayo ee ku nool Caasimada aan xuquuq haysan.
Horta yaa tirokoobay inta Caasimadda ku nool.

Qof kasto wuxuu leeyahay xuquuq baa maqan,
mana yaqaan xuquuqda maqan uu sheegayo.
Maqaam baa la sheegayaa, waa maqaamkee.

Waa noocee, waa maqaam meel kasto laga sheego Dal iyo Dibadba, noocu yahayna aan la aqoon iskaba daa in laysku raacsan yahay ama heshiis lagu yahay.

Qof kasto iyo koox kasto waxay la ordaysaa Maqaam u gaar ah oo ay sameesatay, ka geddisan Maqaamyada kale oo iyagana lala ordaayo.

Maqaamka ay wataan garan maayaan nooca uu yahay iyo waxa ay ku doonayaan, goortaad weydiso waxa ay wadaan, waa Maqaamka G.Banaadir ayee ku leeyihiin, halkaas ma dhaafsana.
Rag iyo Dumar waa loo wada siman yahay, Woqooyi iyo Koofur, Bari iyo Galbeed xitaa Jibuti, Kilinka 5 iyo Woqooyi Bari ee Kiinya kama maqna Maqaamka Muqdisho.

Shirarka isdaba jooga ee dibada lagu qabto ragga iyo dumarka qiirada iyo xamaasada ka muuqato iyo qudbadaha aan hakadka lahayn ee jeedinayaan waxaad isleedahay alaylahee markaan ayee runta gaartay, alalaaska, mashraxadaha, heesaha Muqdisho loo qaadaya, walee berrito ayee Muqdisho heli Maqaamkeedi ayaad shirka ugu soo tagaysaa.

Shirarka lagu qabto waddanka gudahiisa lagumaba heshiiyo, saa feer iyo faralaab aya layskuugu jawaabaa, waa tii ka dhacday Shirkii Garowe.
Maqaamka Gobolka Banaadir xargihii buu goostay, wuxuu ka tilaabsaday Xuduudaha Soomaaliya, isagoo u gudbay Beesha Caalamka, Igad, AU.EU. UN.

Ururka Carabta, Ururka Islaamka, Gashaanbuurta NATO, China, Ruushka, UK, USA.
Maqaamka Gobolka Banaadir wuxuu noqday xaalad deg deg ah ee ka jirto Aduunka, waxaa maalin kasta laga sii deeya warbaahinta Aduunka, waxaa looga hadlo baraha bulshada, xalintiisa ayaa loo xilsaaray barafasoorada ugu cilmiga sareeyo.

Dr. Abuukar Nuur Xuseyn.