Ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo xalay ku dagaalamay degmada Jilib ee G/Bakool

Wararka laga helayo Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada dowladda Soomaaliyo iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab xalay degmadaas uu dhexmaray dagaal.

Dad ku sugan Waajid ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalkan uu ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,isla markaana waxaa uu yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ay kusoo qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda halkaasi ay ku leeyihiin.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu soo kala labada dhinac,kaasi oo ka dhashay dagaalkii ka dhacay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool,inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin inta uu la egyahay.

Al-shabaabkii marka hore weerarka soo qaaday ayaa waxaa la sheegay in dib ay uga laabteen degmada,kadib markii iska caabin ay kala kulmeen Ciidanka dowladda oo gurmad ka helay kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Xaalada guud ee Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa haatan waxaa ay tahay mid degan,isla markaana waxaa halkaasi howlgalo kala duwan ka wada Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Faah-faahin Qaraxyo siyaabo kala duwan xalay uga dhacay Muqdisho
Iyadoo xalay labo qarax ay ka dheceen magaalada Muqdisho ayaa waxaan ilaa hada lasoo warin cid ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxyadaas.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay dhabarka danbe ee barxada Iskaashatooyinka ee degmada Xamar weyne, waxaana qarxay Gaari NOAH oo goobta la dhigay mana geysan wax khasaaro Nafeed ah.

Qaraxa labaad ayaa la sheegay in uu ahaa Miino nuuca dhulka lagu aaso waxa uuna ka dhacay Iskuul Jabuuti degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, mana jiraan wax khasaaraa oo laga soo wariyay qaraxaas.

Ciidammada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Ninki waday gaari ku qarxay agagaarka iskaashatooyinka gaadiidka ee degmada Xamar weyne.

Ciidanka ayaa sidoo kale xiray labo qof oo la tuhmay in ay waxka ogaayeen qaraxaas.