Soomaaliland oo sii daysay Maxaabiis ay ku qabatay dagaalkii Tukaraq.

Mdaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay qorsho uu maamkulkiisa ku siideynayo qaar ka mid ah Maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii deegaanka tukaraq ku dhexmaray Puntland iyo Soomaaliland.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Puntland ay u wadaan Nabad iyo walaaltinimo iyo inay xasilooni ku wada noolaadaan,isla markaana uu dhexmaro ganacsi iyo xiriir wanaagsan si looga gudbo dhibaatooyinkii horay u dhexmaray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliland ay diyaar u tahay inay siideyso Maxaabiistii ay ku qabteen dagaalkii Puntland ay kula galeen deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool,waxaana uu sheegay in uu rajeynayo in ay Puntland iyo Soomaaliland ay nabad ku wada noolaadaan.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kusoo aadaya xilli weli deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland,isla markaana weli xiisadii ay taagan tahay.