Warbixin ku saabsan Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Degmada Bardaale ee G/Bay.

Wararka ka imaanaya Gobolka Bay ayaa sheegaya in Khasaare kala duwan uu ka dhashay qarax ciidamada dowladda Soomaaliya lagula eegtay degaano ka tirsan Gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Bardaale sida ay sheegeen dadka degaanka, waxaana lala eegtay Ciidamo howlgallo waday.

Dadka ayaa xaqiijiyay qarax miino oo ciidamada lala eegtay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kadib markii gaari noociisa uu yahay Cabdi Bile uu Qaraxu qabsaday.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay hal ruux, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay saddex kale qofka qaraxa ku dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Kabtan Falar Liibaan oo ka mid ahaa Golaha degaanka Degmada Bardaale.

Waxaa kale oo qaraxaasi ku dhaawacmay saddex ruux oo askar ah, kuwaasi oo dhaawacyadooda loo qaaday Isbitaalka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku safra degaano ka tirsan Gobolka Baay oo ay ku sugan yihiin, iyadoo xilliyada qaar ay dhacaan qaraxyada noocaan oo Shabaab ay u dhigaan ciidanka.