Diyaarado dagaal oo xalay duqeeyay Degmooyin ka tirsan Gobolka Jubada Dhexe.

Wararka naga soo gaaraya degmooyinka Jilib iyo Bu’aale ee G/Jubbada dhexe ayaa sheegaya inay ka dhaceen dhowr duqeyn oo ay geysteen diyaarado dagaal oo aan wali la ogeyn dalka laga leeyahay.

Diyaaradaha ayaa sida aan wararka ku heleyno waxay beegsadeen saldhig ay Al-shabaab ku leyhiib Bu’aale iyo xarumo kale oo ay Jilib kaga sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Saldhigga Bu’aale ee duqeynta lala beegsaday ayaa la sheegay in dhiamsho iyo bur bur lagu garsiyay xubnihi Al-shabaab ee halkaasi ku sugnaa.

Halka Jilib lagu waramayo in lagu dilay saraakiil la tilmaamayo in xogtooda la hayaay lana bartilmaameedsaday.

Saraakiil si dhaw ula socday duqeymahaan ka dhacay kana tirsan Howgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxay sheegeen in xubnaha Al-Shabaab si guud duqeymihii xalay looga dilay ku dhawaad labataan xubnood oo sarakiil iyo Maleeshiyaad isugu jiray.

Sidaan oo kale ayaa Todobadkii hore waxaa diyarado dagaal nuuca aan duuliyaha laheyn ah waxay duqueyn ka geysteen degmooyin ka tirsan Gobalka Jubbada dhexe.

Jubbada dhexe ayaana ah gobolka Kaliya ee ay si buuxda gacanta ugu hayaan Al-Shabaab, mana jirto marka duqeymaha laga reebo dagaal toos ah oo Al-Shabaab lagula galo gobolkaas iyo deegaano kale oo ay Al-shabaab maamulaan.

Dhanka kale muddo badan ayuu Gobolkaasi Jubbada dhexe ku jiray xalaad nuucan ah oo ay dadku ku nool yihiin kuwo u dhibaateysan amarada Al-Shabaab iyo duqeymaha lala beegsado ee diyaaraduhu geystaan, kuwaas oo shacabka ay waxyeelo joogta ah ka soo gaarto.