Aan kala faa’iideysano!!!

1-Afurka ha ku bilaabin biyo Qaboow Adiga oo maanta dhan baahnaa, waxa ey keentaa Cuduro badan oo khatar ah.

Sidaa waxaa yiri khubaro dhinaca caafimaadka oo Cilmi baaris ka sameeyay.

Cibaadada waajibka ah ka sokoow waxaa jira,wardi la Akhristo , oo kaa daboolayo dambiyo badan, ama Darajo kor kuu qaadayo.

2- Laba kalmadood oo ku culus miisaanka, ku fudud Carbka, ku weeyn Alla agtiisa haddii aad ku wardiso waa:( Subxaana laah wabi xamdihi, Subxaana laah Al cadiim).Waa xadiith laga soo wariyay Rasuulkeena Muxamed SCW.

3- Ma dooneysaa in aad Aakhiro ka mid noqoto kuwa ugu Taajirsan Dadka.( inta aadan jiifan iyo marka aad soo toosto akhri markiiba 100 mar ( Subxaana Laah wabi Xamdihi) waxaa kaa taajirsan Qofkii intaa ka badan Akhriyo oo kaliya. Waa xadiith laga soo wariyay Rasuulkeena Muxamed SCW.

4- Ma didooneeyaa in sida shinidu ugu warwareegto Buulka Boqorada shinidu ku jirto,in Magacaaga loogu warwareejiyo Carshiga Alle. Kuwardi ( Subxaana laahi, walxamdu lilaah, wa laahu Akbar, wa Laa ilaaha ilalaah) markii ey afkaaga ka sii baxee, Malaa’igta ayaa samada ula ordee,oo carshhiga kula warwareegee magacaaga. Waa xadiith laga soo wariyay Rasuulkeena Muxamed SCW.

Anigu nafteyda waa faray, waana Akhriyaa, adigana waan kula jeclaa lahaa in aad caadeeysato akhrintooda, Allana kugu hanuuniyo.

FG: Aragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii iga khaldan iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Towfiiqda Allaah hana waafajiyo.

Qore: yahya Amir