Madaxweyne Xaaf “Dowladda ayaa Dhibaatooyin Hor leh ka wada Deegaanada Maamulada Jubbaland iyo Galmudug…”

Axmed Ducaale Geele Xaaf Madaxwaynaha maamulka Galmudug ayaa xalay ka qayb galay shir ay soo agaasimeen Jaaliyadda Deegaanada Galmudug ka soo jeeda ee ku nool Magaalada Nairobi.

Shirkaasi ayaa sidoo kale waxaa loogu jawaabayay hadalkii ka soo yeeray madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, kaasi oo ku aadanaa in madaxwaynaha Galmudug uu diiday Daawada Xalka u Noqon karta Galmudug.

Madaxwayne Xaaf ayaa halkaasi ka jeediyay Hadalo Dhinacyo badan Taabanayay isagoo walaac ka muuniyay in Dowladda Soomaaliya ay ku socoto wadadii Bur burka.

Dhanka kale Madaxwayne Xaaf ayaa ku eedeeyay Hoggaanka Dowladda Soomaaliya inay Dhibaatooyin Hor leh ka wadaan Deegaanada Maamulada Jubbaland iyo Galmudug.