Mdaxweyne Farmaajo:Madaxweynaha Maamulka Galmudug wuxuu dalbaday Muddo kororsi, balse..”

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Somalia ayaa xalay si adag uga hadlay shirkii natiija la’aanta ku soo dhamaaday ee 6-cisho ka socday magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.

Waxa uu si gaar ah uga hadlay qodobkii khilaafka madaxda Galmudug oo miiska saarnaa hase yeeshee wuxuu sheegay in madaxweynaha maamulka Galmudug uu dalbadau muddo kororsi dowladdana uu sheegay inay ku adkeysatay in laga hormariyo dib u heshiisiin arrintaasna ay ka socon weysay madaxweyne Xaaf sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in go’aankaas ay ku raaceen madaxda maamul-gobaleedyada intaas kadib wadatashi madaxweynaha Galmudug uu geliyaya arrintasna uu ku adkeystay muddo kororsi.