Faah faahin ku saabsan Dagaal Al-Shabaab iyo ciidamada Dowladda ku dhex maray duleedka Garbahaarey.

Garbahaarey:-Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya se ka howlgala degmada Garbahaarey oo garab ka helaya Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa hada ka socda degaan dhanka waqooyi qiyaastii 20KM kaga beegan degmada Garbahaarey.

Dagaalka oo aad u xoogan ayaa haatan ka socda deegaan lagu magacaabo Mey kaareebay oo 20KM Dhan Waqooyi Kaga Beegan Degmada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo

Waxaana ilaa iyo Hada la xaqiiji karin khasaaraha rasmigaa ee soo kala gaaray dhinacyada uu dhex marayo dagaalaku, maadaama uu wali dagaalku socdo, waxaana weerarka soo qaaday Al-Shabaab.

Dhanka kale wararkii ugu danbeeyay ee aan ka heleyno dagaalkaas ayaa sheegay in Seddax Askari ay dagaalka kaga dhimatay Ciidamada dowladda Soomaaliya, iaydoo Al-Shabaab dagaalka looga dilay in ka badan ilaa 10-ka mid ah ciidamadooda, hase yeeshee Guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Garbaaharey Cabdi Bare ayaa sheegay in wali dagaalku uu socdo.