Ciidamada Dowladda oo soo qabtay Nin Gaari yaalay Wadada Maka Al-Mukaram ku xiray Walxaha Qarxa.

Muqdisho:–Ciidammada Dowladda ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane lagu tuhmayo inuu ka tirsan yahay Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo walxaha qarxa ku xiray gaari uu lahaa qof shacab ah oo yaalay waddada Makka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Qabashada eedaysanahaasi ayaa ka danbayay kadib markii ay dad arkayay markuu gaariga ku xirayay walxaha qarxa ku wargaliyeen ciidamada Dowladda ee ka howgala nawaaxigaas, waxaana suuro gashay in la qabto ruuxii gaariga qaraxa ku xiray.

Warka ayaa intaasi ku daraya in gaariga oo yaallay agagaarka shineemo Soomaaliya uu waqti yar qarxay, mana jirin wax khasaare ah oo qaraxaasi ka dhashay.

Dhanka kale Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho waxay ku toogteen Nin hubeysnaa oo dhaawacay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda, Falkan ayaa ka dhacay Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.