Al-Shabaab oo shuruud lacageed ku xirtay sii deynta Dhaqaatiirta Cuba ee Afduubka ku haysato.

Muqdisho:- Wargayska Kenya ka soo baxa oo lagu magacaabo Daily Nation ayaa daabacay in Maleeshiyaadka Al-Shabaab madax furasho dalbatay sii deynta dhaqaatiir u dhashay dalka Cuba kuwaas oo ay al-Shabaab bishii tagtay ka soo qafaasheen gudaha dalka Kenya.

Lacagta madaxa furashada ay Al-Shabaab dalbadeen ayaa gaaraysa Sh150 milyan oo shilin lacagta Kenya sida ay sheegeen ergo goor sii horeesay loo xil saaray wada xaajoodka Al-Shabaab ee lagu sii deenayo dhaqaatiirtan.

Waxgaradka wadahadalka loogu diray Al-Shabaab ayaa ka tagay degmooyinka Mandera iyo Balad-Xaawo iyagoo gaaray deegaano u dhaxeeya Buale iyo Ceel-Cade halkaasi oo ay kula kulmeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Odayaashan ayaa sidoo kale xaqiijiyay in labadan dhaqtar oo u ka soo wada jeeda dalka Cuba ay haatan nool yihiin xaaladooda caafimaadna ay aad u wanaagsan tahay, waxayna haatan ku sugan yihiin deegaanada ay Al-Shabaab maamulaan.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa weerarka ay dhaqaatiirtaan ku soo qafaasheen wuxuu dhacay 12-kii Bishii April ee la soo dhaafay iyagoo waqtigaasi sidoo kale dilay askari ilaale u haa dhaqaatiirtaasi.