Howlgal Baaritaan oo xalay Ciidamada Dowladda ka sameeyeen Degmada Boondheere.

Muqdisho:-Ciidamo ka tirsan nabada sugida Soomaaliya gaar ahaan kuwa gaashaan ayaa xalay Baaritaano waxay ka sameeyeen qeybo ka mid ah dagmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Deegaanada xalay ciidamada nabada sugida baaritaanada ay ka sameeyeen ayaa waxaa ka mid ah xaafadaha ku teedsan isgoysyada Boondhere iyo Maanaboolyo ee dagmadaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhalinyaro badan, kuwaasi oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Maalmihii dambe ayaa dilal qorsheysan waxay ka dhacayeen degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir, kaasi oo loo geysanayay shaqaalaha ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku aadan inay faahfaahin ka bixiyaan baaritaanadii xalay ay ka sameeyeen degmada Boondheere.