Diyaarado dagaal oo xalay duqeymo ka fuliyay Deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo.

Wararka naga soo gaaraya G/Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi xalay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen duqeyn sida dadka deegaan ay u sheegeyn Radio Kulmiye.

Diyaaradahan ayaa la sheegay inay bartilmaameedsadeen Saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyhiin Deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo.

Dhowr gantaal ayaa la sheegayaa in Saldhigyadaasi lagu garaacay sida Dadka degaanka ay inoo sheegeen.

Saldhigyadaasi la duqeeyey ayaa waxaa Maamula Maleeshiyaadka Al-Shabaab,iygoona sidoo kale deegaankaasi ku leh Bar kontorool.

Dadka degaanka sidoo kale waxay sheegeen in duqeyntaasi Khasaaro lagu gaarsiiyey Xubnihii Shabaabka ahaa ee ku sugnaa Degaanka la duqeeyey ee Buusaar.