Talo Tuur leh, Mid toosan , Tee????

Ar Ununkaa, 1963 waxaan Dalka ka erinay Safiirkii UK, kadibna kii Mareykanka iyo Jarmalka , kaddana 1977 waxaa erinay Ruushkii, 2018 wakiilkii Midawga Yurub , 2019 kii wakiilkii UN-ka, Rag kale oo bandanna waa erinay.

Haddana waxaan leenahay Caalamku muxuu taageeradii Nooga joojiyay, shacabka ha loo soo gurmado.

((( Haddii Madaxa Xafiiska aad u shaqeyso aad is qabataan kadibna Adiga Mushaarka lagaa joojiyo, ha dhihin: Caruurteydu maxey galabsadeen oo Biilka iyo Caanaha looga joojiyay, waa xeelad xumidaada adiga oo aan Caanihii caruurta meel saarin ayaad Odaygii Mushaarka iyo Magan galyada ku siinayay aad maagtay, taa ha nagu baar laxawsan. “Xaaskaaga oo Guriga biisho, Kiradana kaa Bixiso ma dhihi kartid: “Guriga iiga bax waa ku furay”. Dowladu waa in ey Dan fog iyo mid dhawba ka fekerto”))).

Nin Gaal ah oo aan Islaannimada wax ka aqoon ha uga bilaabin “Xadiithkaan, Muslim & Bukaari ayaa isku raacay”. Wax taa ka horeeyo oo ey tahay in aad u sheegto ayaa jiro. Maamule Gobal yaan la dhihin Madaxweyne Gobal, Nin aan weligii Xafiis dowlo fadhiisan Wasiir ha uga bilaabin, Mid aan kalmadda Siyaasad qeexi Karin Safiirnimo ha uga bilaabin, Saddax Aliflaha Sarkaal Sare ha uga bilaabin, Saaxiibkaa saxiix ka weyn ha siin, kuwa biibiibayo Baraha Bulshada yeyna Baasada kaaga dhameeyn.

Dowlad kaa weeyn ha u dhawaan, Hana Ka dheeraan, ha la dheelin yeeyna Ku dhakrin oo yaan dhaqanku kaa dhumin.

Waa iga Talo walaalnimo, Xil & xoolo kaama rabo ee Xeradaa naga dhexeyso, haddaad si kale u qaadatana ad lee waaye.

Af fur wanaagsan, iga tag Timirta ha i dhaafine.

Qore: Yahya Amir