Hambalyo Bahda wax Barashada!!!

Khalad waa dhacaa, waxaa muhim ah in la saxo, hore wax badan ayaa imtixaano Suuqa u gali jireen, waana laga aamusi jiray.

Qishka iyo xatooyadu waa xaaraan dhinaca Diinta, iyo Horuumarka Bulshada. Mana ahan in ardaydu Ku barbaarto Ku tiirsanaanta Qishka. Arday wax Soo bartay iyo Arday imtixaankii soo iibsaday in la simo, waa cadaalad daro, waana muhim in imtixaankaa la baabi’yo qiima kasta ha Ku kacee.

In la ogaado khaladku halka uu Ka jiro, Lana saxo, laguna qaato waaya aragnimo si uuna mar kale u dhicin. Waa talaabo Geesi nimo leh.

Qore: Yahya Amir