Deg Deg: Qarax Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qarax xoogan ayaa goordow waxaa laga maqlay guud ahaan degmooyinka ka tirsan Gobalka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay nawaaxiga xarunta degmada Warta Nabada ee Gobalka Banaadir.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay saxaafadda in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxaha lagu weeraray xarunta degmada warta Nabada ee Magaalada Muqdisho.

Qiic iyo uuro ayaa cirka isku shareertay qaraxa kadib,taasi oo laga arkayay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dhanka kale ma jiraan faahfaahin intaasi dheer oo laga helayo qaraxa ka dhacay Degmada Warta Nabada.