DEG DEG:- Banaanbax ay dhigayaan Ardayda Soomaaliyeed oo Saakay ka socda  Muqdisho

Banaanbax ay dhigayaan Ardayda Soomaaliyeed ayaa saakay waxaa uu ka soconayaa qeybo ka mid ah wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii xalay Wasiirka Waxbarashada xukuumada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre uu sheegay in la joojiyay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare ee Dalka.

Wasiir Goodax ayaa sheegay in uu fashilamay Imtixaankii ay Wasaadu qaadeysay Seddaxdii maalin ee la soo dhaafay isla markaana dib loogu noqonayo imtixaan kale.

Dhanka kale waxay wararku sheegayaaan inay jirto in la xaday Imtixaankii sanadkaan la qaadaayay, taasina ay keentay in Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in  la joojiyay  imtixaankii la qaadaayay.