Burcad Koonfur Afrikaan ah oo Ganacsade Soomaaliyeed maanta ku dilay Magaalada Cape Town.

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa Maanta waxaa Gudaha dalkaas ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa Shaqo.

Kooxda ayaa ku weerartay muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Xasan Cabdi Maxamed (Xasan Bile) Goob Ganacsi oo ku taalla Magaalada Cape Town ee Wadanka koonfur Afrika oo uu lahaa.

Kooxdii Burcada aheyd iyo muwaadinka Soomaaliyeed ayaa waxaa la sheegay in uu dhexmaray muran xoogan taas oo keentay in Burcada ay dilaan Muwaadinka Soomaaliyeed,iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.

Waa qofkii ugu horeeyey ee Soomaali ah oo lagu dilo dalka Koonfur Afrika tan iyo markii la guda galay Bisha Barakeysan ee Ramadan,waxaana taasi walaac ka muujiyey qaar ka mid ah soomaalida ku Ganacsatada dalkaas.

Dalka Koonfur Afrika ayaa sanadkan 2019 waxaa kusoii kordhaya dilalka loo geysanayo Soomaalida ku Ganacsata,waxaana weli jirin cid isku-dayday inay ka hor tagto dilalkaas ee labada dal ee Soomaaliya iyo Koonfur Afrika.