Maleeshiyaad Al-Shabaab si aad ah u Hubaysan oo la sheegay inay gudaha u galeen Degmada Xarardheere.

Muqdisho:-Wararka ka imaanaya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in Al-shabaabkii ugu badnaa ay buux dhaaafiyeen dagmadaasi, kuwaaasi oo la sheegay in ay ka carareen tuulooyin hoostaga dagmadaasi oo ay dagaal kula galeen ciidamo ka tirsan dowladda soomaaliya.

Dad ku sugan dagmada Xaradheere ee gobolka Mudug ayaa u sheegay Saxaafaddda in Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee gudaha degmada galay ay wataan gadiid iyo hub fara badan, islamarkaana ay yihiin kuwo horey ugu sugnaa deegaanada Camaara, Caad iyo Ceerhuur oo ka tirsan Gobalka Mudug.

Culeyska Al-Shabaab laga saaray deegaanadaasi ayaa lagu waramayaa in ay keentay in ay u baxaan degmada Xarardheere ee Mudug.

Maalmo ka hor ayaa deegaano u dhow degmada Xarardheere waxaa ku dagaalamay Ciidamo ka tirsan Millatariga Soomaaliya iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Toban sano oo Al shabaab ay joogan Xarardheere iyo tuulooyinka ka agdhaw ayaa sabab u noqdeen in dad badan ay ka soo cararaan tuulooyin ka tirsan Koofurta goboka Mudug.