Wasiir la Rabo Reyn Badanaa, Annba Reedaa ka Rogaa!!!

Abaarihii Kowdii duhurnimo kadib ayaa loo dareeray soo dhaweyntiisa, caleemo qoyan iyo ubax ayaa lagala hor-tagay, looma kala harin soo dhaweynta Wasiirkaasi, waxaana loo sameeyay hab Maamuus aad u sarreeyo!

Xubno isugu jiray labada Gole ee Dawladda Federaalka, Bulshada Rayidka iyo wakiilo matalayay Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ka qeyb-qaatay soo dhaweynta Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Eng. C/llaahi Cali Xasan oo maanta yimid magaalada Muqdisho.

Wasiirka cusub ayaa u mahad-celiyay dhamaan qeybihii kala duwanaa ee ka qeyb qaatay soo dhoweyntiisa, waxaana uu sheegay inuu ku faraxsan yahay sida diirran ee sharafta laheyd ee loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, isaga oo dhinaca kale bogaadiyay dadkii Soomaaliyeed ee fariimaha u soo diray iyo kuwii kale ee Ducooyinka u hibeeyay.

Soo dhaweynta Qaran ee loo sameeyay Wasiirka cusub waa mid uu u qalmo, waxayna ka tarjumaysaa sida uu Wasiirkaasi u yahay muwaadin nadiif ah oo la jecel yahay.

C/Laahi Shiikhaaalow