Somaliya oo qarka u saaran dagaala Cusub oo Mareykanku Ku lug leeyahay!!!

Mareeykanka oo hore Somaliya ugu galay dagaalo ey isaga hor yimaadeen qabaa’ il Somaliya ayaa Hadda u muuqdo in uu Ku dhacayo shabaq siyaasadeed oo ey wadaan shirkado shidaal iyo Siyaasiyiin daneley Somaliya ah oo laga dareemi Karo Aargudsi Laba dhinac ah.

Qabiilada qaar ayaa durba dareemay colaad Cusub iyo isku diyaarin dagaal, kadib markii mareeykanka uu dib isagu Soo sharaxy in qof Mareykan ah loo dhiibo xilka SRSG, iyada oo shakigaa jiro ayaa haddana Dalka waxaa jooga Madaxweyne Mareykan ah oo Dadkii ay Ka hor yimaadeen, Lana rabo in uu xoog Ku muuqiniyo, taa oo durba keenatya in qabiila badan ey taageerno xoog leh u muujiyaan Al shabaab iyo ururo Cusub oo diini ah. Iskuna diyaariyaan dagaal ey deegaanadooda kula dagaalamaan shirkadaha shidaalka, oo iyaguna aaminsan in taagero ey siiyaan kuwa aargoosi rabo.

Waxaa muuqato in mareykanku intii uu keeni lahaa qof aan Mareykan aheyn oo SRSG noqdo uu isagii Soo muuqday, taa oo Shaki hor leh iyo colaad aan jaho leheyn Dhalin karto, iyaga oo aaminsan in dadka Somalidu ey daaleen, waa sida loo sheegaye.

Dagaaladan oo daba dheeraado ayaa yeelan doono aragti diini ah iyo mid Qabiil oo Soo gucata, taa oo qabiilada qaar eynan Ka shakineyn in ey nafta u huraan, iskuna bedeli doono dagaal aan dhamaan oo qabiilada dhaxdooda ah, haddii SRSG iyo Madaxweyne Mareykan ah ay howl galaan, isku mar shakigiina uu rumoobo.

Durba Saan Saan colaadeed ayaa ii muuqata.

Qore: Dr. Maxamed Hassan Garaad.