Maleeshiyaad ka tirsan Daacish oo lagu Dilay Duqeyn Diyaaradeed oo Ka Dhacday Buuraha Golis

Taliska Millitriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM waxay sheegeen inay 4 ka tirsan Dagaalamayaasha Kooxda Daacish-ta Somalia ku dileen duqeyn ka dhacday Puntland, waxayna duqeyntaasi dhacday hal maalin kadib duqeyntii lagu dilay 13 ka tirsanaa Kooxda Daacish.

Hadal-qoraal oo ay AFRICOM shaalay galab soo saartay ayey ku sheegeen in duqeyntaas ugu dambaysay ay iska kaashadeen DFS, iyadoo la beegsaday Daacish-ta ku sugan Buuraha Golis.

AFRICOM waxay kaloo sheegtay inay kordhiyeen Hawlaha Sirdoonka, isla markaana ay fahamsan yihiin in Dhaqdhaqaaqyadda Tababarka iyo qorista Maleeshiyooyinka Daacish ka socdaan gudaha Puntland, iyadoo duqeyntaasi ahayd tii 4-aad ee lala beegsado Daacish-ta Somalia tan iyo bishii April 14-dii.

Taliska AFRICOM wxaay kaloo sheegeen inaysan dad rayid ah waxyeello dhimasho iyo dhaawac ka soo gaarin Duqeyntii ugu dambaysay, isla markaana ay ku hawlan yihiin qeiimeynta duqeymihii dhacday, lana soo gudbin doono wixii faahfaahin oo dheeraad ah.

Maleeshiyadda Daacishta Somalia waxay ka go’een Ururka Alshabaab bishii October sannadkii 2015-kii, kadibna ay qabsadeen Degmadda Qandala ee Gobalak Bari oo ah Deegaan muhiim ah oo hoos taga Maamul-gobaleedka Puntland tan iyo sannadkii 2016-kii, ayaa lagu xusay hadalka qoraalka ee ka soo baxay Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM.