DEG DEG:-Qarax Goor Dhow Ka Dhacay Magaalada Boosaaso oo khasaare gaystay.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ayaa sheegayaan in Goordhow halkaasi uu ka dhacay Qaraxa xoogan.

Jugta qaraxa oo laga maqlay Xaafado ka tirsan Magaaladaasi ayaa si gaar ah wuxuu uga dhacay Afaafka hore ee Xarunta Maxkamadda Darajada koowaad ee Gobolka Bari.


Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay Khasaaro kala duwan soo gaaray dad shacab ah iyo qaar kamid ah Askarta Ilaalada Xarunta Maxkamadda.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in qaraxa lala eegtay Gaari uu leeyahay Gddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Bari,kaasi yaallay Afaafka hore ee Xarunta Maxkamadda.