Mashruuca xayeeysiinta Siyaad Bare!!!.

Beryahan waxaa baraha Bulshada Ka socdo Mashruuc lagu xayeysiinayo Jaalle siyaad.

Ma aqaan. Cidda maal galiso, iyo danta laga leeyahay.
Yaa maal galiya Mashruuca, Yaa fuliyo? Siyaad ma mudan yahay in la Amaano? ama la dhaliilo?.

Dhalin yarada aan Soo gaarin waqtigaa, ma lagu sasabi karaa in uu fiicnaa? Duqeeydii Soo gaaratay malaga tirtiri karaa xanuunkii Kali talisnimada?

Kii Dan Ku qabay kali talisnimada ee weli damac Ka hayo iyo kii Kali talisnimo Dambi looga galay, sidee la isku fahamsiinayaa?. Kii lagu duubay cajal uuna ogeyn iyo kii laga tirtiray cajal uu ogaa sidey isku fahmayaan?.

Qofba si u arag Siyaad, ee Mashruuca Yaa wado? Xaguu Ku dambey doonaa mashruucu?

Aragtidaada Xur, ma fiicno in aan been kuu sheego, Aniga qof ahaan ilama fiicneeyn xukunkii Siyaad. Aragtida waa lagu Kala duwanaan karaa.

Doodu waaba fogaan doontaa ee Comments- Ka jadbada ha laga yareeyo.

Qore: Yahya Amir