GAROWE OO GUUL IYO GOBANIMO LAGA SUGAYO!!!

Shirkii Wadatashiga madaxda Dawladda Federaalka Soomalaiya iyo masuulyiinta Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirkaasi furay waxaana ka qeyb galyo Ra’iisul Wasaraaha Xukuumadda Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Galmudug Axmed Ducaale Geelle, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, K/Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha G/Banaadir Cabdirixmaan Yariisow.

Madaxweyne Farmaajo oo shirkaasi shir guddoominayay ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in wadajir looga arrinsado arrimaha muhiimka u ah hour-socodka iyo Dowladnimada dalka, isaga oo ku bogaadiyey Madaxda sida ay uga go’an tahay ka miro dhalinta himlooyinka shacabka.

Shirkaasi oo indhaha lagu wada hayo ayaa madaxda ka qeyb galaysa waxay kaga arinsanayaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta iyo iskaashiga lagu horumarinayo dalka, mideynta dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, iwm.

WD: C/laahi Shiikhaalow