Ramadaan kariim iyo waxyaabaha ku cusub sanadkaan.

Waa bil mudan in la i sagu hambalyeeyo, bil cibaado gaara iyo mid guudba leh. Allah ha nagu toosiyo camalka wanaagsan, Hana noo Aqbalo. Aamiin.

 

Mogadishu, xaaladdeeda maanta markaan fiiriyay, Guud ahaan dakhliga dadku waa hooseeyaa, Ascaarta cuntaduna aad ayey u kacday, gaar ahaan hilibka iyo khudaarta, Kaluunka oo kaliya ayaa raqiis ah.

 

Badi sadaqada, Asaxaabta iyo qaraabada liidata u kab dhaqaalaha bishaan haddii aad awoodo, masaakiinta Ka farxi. Maalmo la tiriyaa ma badno.

 

Hal maalin ayaan soonay, Caruurta ayaaba Ku xasuusinee, inta kuu dhiman, maanta ayaaba la igu yiri: Aabe Ciida meeqaa Ka dhiman?.

 

Dadka Ka ganacsado dharka ciidu Bishaan ma sugayaan faa’iida badan, sida aan Ku Soo arkay Suuqa dharka, Dadka oo dhaqaala xuma heeyso, kharajka ugu badan Bishaan waxa ey u isticmaali doonaan Cuntada. Agoonta yaan la moogaan, ugu yaraan hal agoon Ka farxi dhamaadka bishan.

 

Soonkaaga ALLA ha kaa aqbalo.

 

Qore: Yahya Amir