Maamulka Puntland Oo Joojiyay Kulan xalay Madaxweyne Farmaajo Uu Ku Qaban Lahaa Magaalada Garoowe

Wararka l;aga helaayo Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxay sheegayaan in xalay halkaasi kulan uu ku qaban lahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo laga joojiyay.

Kulankaas ayaa waxaa la sheegay in ay gabi ahaanba joojisay Puntland,kaasi oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Cilmi-baarista ee Center For Policy Alternatives.

Sidoo kale warar aan helnay ayaa sheegaya in kulanka uu dhexmari lahaa Bulshada Rayidka ee kunool Magaalada Garoowe iyo Madaxweyne Farmaajo,isla markaana ay uga hadli lahaayeen kulankaasi hannaanka doorasho ee dalku wajahayo iyo Doorka Bulshada rayidka ah iyo arrimo kale.

Sababta ay Puntland u joojisay kulanka Madaxweynaha uu ku qaban lahaa Garoowe ayna soo qaban qaabisay Xarunta cilmi-baarista ee Center For Policy Alternatives ee Xarun ku leh halkaasi ayaa lagu sheegay inay tahay in Puntland ay diiday in kulamo ay yeeshaan Bulshada rayidka qeybaheeda kala duwan ee Garoowe iyo Madaxda dowladda Federaalka ilaa xal laga gaaro Khilaafka lababa dhinac.

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa ku sugan Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyadda dalka,isla markaana halkaasi uu uga socdo Shir wadatashi ah oo maalintii 3-aad galayo.