Orodyahan Cabdi Da’uud Rooble oo Zambia ka Muujiyay Isbeddelka horumarka leh ee ay sameyneyso Oroddada Soomaaliya+Sawirro

Oradyahanka  heerka caalami ee dalkeena Soomaaliya  Cabdi Daaud Rooble   ( Cabdi Lucky) Kaasoo  caan ku ah orodka masaadafada fog sida, 5,000, 1000,  10 KM, 22 Km iyo   Maratahon-ka 42 Km ayaa  markale  lasoo baxay wacdaro ciyaareed  natiijo guul uu  sare uga qaaday Calanka Soomaaliya kadib markii uu kaalinta Saddexaad ka galay orodka  10km oo lagu qabtay .

Tartanka oo ah mid sanadkasta la qabto   waxaa ka qayb galay 17 dal oo qaaradda Afrika ka socday waxaana marki u horaysay ka qayb galay   dalka Soomaaliiya oo u calanka u siday Cabdi Daaud rooble ( Cabdi Lucky.

Orodyahan Cabdi Daaud  ayaa ku orday 30:24 soddon daqiiqo iyo 24 ilbiriqsi  isagoo tiigsaday  kaalinta saddexaad ee tartanka kana hormaray cayaaryahano badan oo safka hore ku loolamayay.

Oradyahan Lucky ayaa  ka hor tartanka 28 bishi April  tartanka Marathon oo 42 KM kaga soo qayb  galay  magaalada Humburg ee dalka Germany isagoo kaalinta 24 kasoo galay  kuna orday   2:25 laba saac iyo shan iyo labaatan daqiiqo, waxuuna tartanka  10 KM ee dalka Zambia  orday  isagoo safar dheer soo galay kana soo gayb  galay tartan   ka xooggan kan Zambia,waxuuan muujiyay dadaal iyo karti dheeri ah si uu calanka soomaaliya sare ugu qaado.

Cayaartoyda  heerka caalami ee cayaaraha Fudud  ee dalka ayaa sanadkan waxuu u yahay sanad ay gaareen guulo muhiim   ah biladanada dalka usoo hoyeen  iyagoo  wali lagu jiro bilihii hore ee sanadka tartamo kalena ay ka qayb gali doonaan, waana juhdi ay  Guddiga Olombikada qaranka  Somaaliyeed iyo Xiriirka cayaaraha fudud geliyeen  si guulahan    loo tiigsado.

Halkan ka aqriso  tartamada ay ka qayb galeen iyo natiijooyinka ay kasoo hoyeen.

March  15 .2019  Djibouti International Meetiing.

Orodka 800 Mitir Biladda kaalita  koowaad ( Biladda dahabka) Da’yarta

Orodka 1500 Mitir Kaalinta Koowaad  ( Biladda dahabka)  Da’yarta

Orodka 300  Kaalinta afaraad ( Da’yarta)

Orodka 1500 Mitir   kaalinta 7-aad da’waynta

Anoca Zone 5 Youth Games 2019 April 2-6

Orodka 1500 Mitir kaalinta 3-aad  ( Biladda Maarta) da’yarta.

 

Cayaarayaha 14-aad ee 20 jirada  qaaradda Afrika oo dalka Ivory Caost ka dhacay 16- 20 April 2019.

 Orodka 1500 mitir   kaalinta 5-aad.

lafarge lusaka Marathon  14 may 2019

Orodka  10KM  kaalinta saddexaad.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com