Ciidamada Militeriga Soomaaliya oo saakay dhaqdhaqaaqyo militari ka wada deegaano ka tirsan Sh/Hoose.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa saakay dhaq dhaqaaqyo ciidan waxay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellada Hoose.

Dhaq dhaqaaqyadan oo ah mid qorsheysan ayaa Saraakiisha ciidamada waxaa ay ku sheegeen in uu yahay mid lagu doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Waxaa la soo sheegayaa in ciidamada xoogga saakay ka sii gudbeen tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee Gobalka Shabeellada Hoose, waxaana la sheegayaa in cabsi badan ay soo wajahday deadka deegaankaasi ku nool.

Howlgalada ka socda Saakay Gobalka Shabellada Hoose ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa kadib markii shalay ciidamada xoogga ay la wareegeen deegaanka Bariire.

Dhanka kale Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa waxay qoraal ku sheegeen in aan waxba ka jirin wararka sheegaya in deegaanka Bariire ay la wareegeen ciidamada xoogga dalka, iyagoona sheegay in deegaanka ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.