Wax ka baro Taariikhda Wadamada Aduunka, Wadanka ugu wayn, kan ugu dhaqaalaha Badan iyo Kan ugu awooda badan.

Si guud maanta waxaan si guud xubinta ugu qaadanaynaa adduunka  anagoo ka fiirinayna dhhinacyo ay ka mid yihiin bulshadda, dhaqamada dhaqaalaha iyo dhinacyo kale.

Adduunkaan aanu ku noolnahay waxaa uu ka koobanyahay marka si guud loo eego 5 qaaradood haddii aan si kale u dhahnana waxaa ku yaala 195 wadan oo 193 ka mid ah ay xubin ka yihiin golaha guud ee Q,M halka labada soo hartayna ay ka mid tahay Falastiin oo loo aqoonsanayn dal madaxbanaan.

Dalka ugu weyn adduunka waa  San Marino oo Yurub ku yaala kaaso la aaminsan yahay in la degay 301 ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS.

Adduunka dadka ku nool  waxaa tiradooda lagu qiyaasaa 7.6 billion oo ruux sida ay muujinayso natiijadda tirokoobkii ugu dambeeyay ee la sameeyay sanadkii 2018.

Waxaa la aaminsanyahay in dadku inay kordhaan ay qaadatay muddo 200 oo sanno ah waxaana aad loo xasuustaa abaarihii dadka ugu badan ee adduunka ku geeriyoodeen ee kala ahaa Abaartii weyneyd ee dhacday intii u dhaxaysay 1315 illaa 1317 iyo abaartii kale ee loo yaqaanay dhimashadii madoobeyd ee iyana adduunka soo martay 1350.

In dadku kordhaan waxay aad u badneyn intii u dhaxaysay 1955 illaa 1975 waxaana uu ugu yaraa 2010 illaa iyo 2015 sida ay muujinayayaan qoraaladda la sameeyay.

Waxaa jirta saadaal muujinaysa in marka la gaaro sanadka 2050 dadka adduunka ku nool ay gaaraan 10 billion oo ruux halka marka la gaaro 20100 la saadaalinayo in tirada dadka adduunka ku nooli gaaraan 11 billion oo ruux.

Sanadkii 2011 waxaa la aaminsanyahay in caruurta adduunka ku dhalatay ay gaareen 135 million.

Sanad kasta qiyaastii 56  million oo ruux ayaa adduunka ugu dhinta sababo kale duwan sida xogtaan sheegayso

Dadka da’a dhexaadka ah bulshadda caalamka waxay ka yihiin 30%.

 

Dalka Shiinaha ayaa adduunka ugu dad badan waxaana ku xiga Hindiya iyo Maraykanka waxaana ugu dad yar Fatikaanka oo ah dal yar oo ku dhex yaala Talyaaniga waxaana dadka dalkaasi u dhashay lagu qiyaasaa wax ka yar 600 oo ruux iyo dalka kale ee yare e la yiraahdo Tuvalu oo ku yaala badda baasifig,ga.

Afrika waxaa ugu dad badan Nigeria, Ethiopia iyo Masar halka wadamada ugu dadka yarna ay yihiin Sishilis Komoros iyo Jabuuti.

Adduunka waxaa mara 165 wabi  7 badood iyo 117 malyan oo harooyin waaweyn ah.

Wabiyadda waxaa ugu waa weyn Amason iyo niil waxaana jira wabiyo kale oo waa weyn oo dalal iskaga gudba

Sidoo kale qiyaastii 2 kun oo jaziiraddood ayaa adduunka ku yaala waxaana jaziiradda ugu badan ku yaalaan dalka Indonesia.

Wadamada adduunka dadkooda ugu aqoonta badan yihiin waxaa ka mid ah Israel oo dadkiisu 49.90% ay yihiin dad aqoon leh waxaa ku xiga Kuuriya, Ingiriiska Maraykanka Australia,Finland iyo Norway.

Wadamada dadkoodu ugu jaahilsanyihiina waxaa ugu horeeya Gambia oo dadka aan waxba akhrin karin qorina karina ay bulshada dalkaasi ka yihiin 63.5% waxaana ku xiga Mali, Siiraliyoon iyo Afghanistan.

Dalalka ugu jaamacadaha badan waxaa ugu horeeya Hindiya oo ay ku yaalaa in ka badan 8 million oo jaamacadood waxaana ku xiga Maraykanka, Argantiin iyo Spain.

Xagga dhaqaalaha haddii aanu eegno adduunka waxaa jira hay’ado maamula dhaqaalaha adduunka waxaana ka mid ah hay’adda lacagta adduunka ee IMF la yiraahdo iyo Bangiga Adduunka.

Dalal ay ka mid yihiin  Brazil, China, France, Germany, India, Indonesia, Italy, Japan, South Korea, Mexico, Russia, Turkey, the United Kingdom, the United States  iyo dalalka ku jira midawga Yurub ayaa adduunkaan ugu dhaqaalo badan.

Koongada Dimoqraadiga, Musambiig, Tanzania, Uganda, Tajakistan iyo Yemena waxaa loo aqoonsanyahay dalalka ugu dhaqaalaha liita adduunka.

Lacagta ugu badan ee adduunka ugu isticmaalka badan waa Dollarka waxaana ku xiga Yuurowga, Yenka Japan iyo Bounka Ingiriiska.

Lacagta Fiyatnaam ee Dong ayaana loo aqoonsanyahay tan ugu qiimaha liidata adduunka oo dhan.

Dhanka kale dalal ay ka mid yihiin Canada, Jarmalka, Maraykanka Ingiriiska Sweden Maraykanka iyo Australia ayaa loo aqoonsanyahay wadamada uu musuqmaasuq ka jirin halka dalalka ugu maasuqmaasuqa badan adduunkana ay yihiin Iran Siiraliyoon iyo Ukraine.

Wadamada ugu wanaagsan ee shaqo laga helo waxaa ugu horeeya Iceland, Holland Biljimka Norway iyo Austria.

Koofur Afrika Yemen marinka Gasa iyo daanta galbeedna waxaa loo aqoonsanyahay inay halka ay ka jirto shaqo la’aanta adduunka ugu badan.

Qiyaastii in ka badan 8% dadka adduunka ku nool waxaa shaqo la’aan.

Wadamada ugu wanaagsan ee lagu noolaan karo waxaa ugu horeeya Singapore, New Sealand Baxrayn iyo Switserland halka wadamada ugu nolosha adag ama ay dadkooda dhibaatada ugu badan kala kulmaana ay yihiin Mexico, Iran Costa Rica Filibiin Burundi iyo dalalka kale oo u badan dalalka loo yaqaan dunnida Sadexaad.

Xagga isgaarsiintana qiyaastii 5 billion oo ruux ayaa adeegsata taleefoonada haba ugu badnaadee nooca gacanta lagu qaato ee mobile,ka loo yaqaan waxaana dadka ugu badan ee isticmaala taleefanada waxay noolyihiin Shiinaha, Hindiya Maraykanka iyo Barasiil.

Qaaradda Afrika marka loo eegana dadka taleefono haysta waxay gaarayaan 731 million oo ruux waxaana dadka ugu badan ay ku noolyihiin Koongada dimoqraadiga ah, Ethiopia Nigeria iyo Tanzania waxaana la saadaalinayaa in sanadka dambe ee 2020 gaaraan 1 billion oo ruux.

Dadka Afrika ee internetka isticmaala baaritaan la sameeyay sanadkii 2017 waxay sheegaysaa inay gaarayaan 147.62 million oo ruux waxaana ugu badan dadka u dhashay Nigeria iyo Masar.

 

 

Adduunka waxaa soo maray dagaalo ba’an oo galaaftay nolosha dad badan illaa haddana la xasuusto ama taariikhda galay waxaana ka mid ah dagaalkii 1,aad ee adduunka kii labaad dagaalkii Kareemiya ee dhacay sanadkii 1853 kii Carabta iyo Yahuuda dhex maray iyo dagaalkii loo baxshay dagaalkii qaboobaa.

Dagaalkii ugu khasaaraha badnaa waxaa loo aqoonsanyahay dagaalkii 2,aad ee adduunka 56 million oo ruux ayaa la aaminsanyahay inay ku geeriyoodeen.

Dadkaas 26.6 million oo ka mid ah waxay u dhasheen dalalkii Soofiyeetka la isku oran jiray halka 7.8 million oo kalena ay u dhasheen Shiinaha.

Afrikana waxaa ugu saameyn badnaa dagaalo sokeeye oo ka dhacay dalal ay ka mid yihiin Every Coast Ginni Liberia, Siiraliyoon, Sudan Soomaaliya iyo Uganda.

Colaadaha Afrika ka jira waxaa la aaminsanyahay inay galaafteen 25% bulshadda qaaradda.

Dalalka Shiinaha, Maraykanka, Sacuudiga, Rushka iyo Hindiya ayaa adduunka ugu ciidamo badan isla dawladahaan ayaana dhaqaalaha ugu badan ku bixiya tayaynta ciidamadooda.

Illaa 9 wadan oo adduunka ku yaala ayaa loo diwaan galiyay inay haystaan hubka nukliyeerka ah ee sida weyn looga walaaco waxayna dalalkaasi kala yihiin Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Rushka, Kuuriyadda waqooyi, Shiinaha, Hindiya, Israel iyo Pakistan oo ah dawlada kaliya ee Muslim ah oo hubkaan haysta.

Qiyaastii 16 kun iyo 300 oo madaxyo nukliyeer ah ayay dawladahaan haystaan.

Hogaamiyaasha Adduunka soo maray ee haddana xukunka waqtiga dheer haystay waxay ku badan yihiin Afrika iyo Aasiya gaar ahaan dawladaha Carabta.

Dhanka warbaahintana malaayiin wargeys ayaa maalin walba kasoo baxa dunnida kuwaasoo mawduucyo kala duwan lagu qoro.

Hay’ad diwaan galisa wargeysyada dunnida ayaa sheegtay in maalin walba la iibiyo 56 million oo joornaal.

Dalka Maraykanka ayaa ah halka wargeysyada ugu badan adduunka kasoo baxaan waxaana ku xiga Shiinaha hase ahaatee dalalka dadkoodu ugu wargeys akhriska badan yihiin waxaa ka mid ah Finland iyo Japan.

Wargesyadii ugu horeeyay ee dunnida kasoo baxana waxaa ka mid ah wargayska la yiraahdo London Gazette oo nuqulkii ugu horeeyay la daabacay sanadkii 1666,kii.

Qiyaastii ku dhawaad 20 million oo idaacadood ayaa la aaminsanyahay inay dunnida ka jiraan waxaana idaacadaha ugu badan adduunka ku yaalaan Rushka oo ay ka shaqeeyaan in ka badan 3 kun oo idaacadood waxaana ku xiga Shiinaha.

Sidoo kale qiimayn la sameeyay 2008 qiyaastii ku dhawaad 30 kun oo telefishin ayaa laga diwaan galiyay adduunka uu dhan.

Sidaasoo kalena Rushka iyo Shiinaha ayaana loo aqoonsaday inay ka shaqeeyaan telefishinada ugu badan.

Xagga luuqadahana Afka dadka ugu badan adduunka ku hadlaan waa afka Shiinaha oo ay ku hadlaan in ka badan 1 billion oo ruux waxaana ku xiga Afka Spanishka oo ay ku hadlaan boqolaal million oo ruux Afka Carabiguna waxaa uu kaalinta luuqadaha adduunka loogu hadlis badanyahay kaga jirta kaalinta 5,aad waxaana ku hadla dad gaaraya 260 million oo ruux.

Luuqada ugu fudud ee la baran karo waxaa loo aqoonsanyahay luuqada dalka Norway waxaana ugu adag Afka Mandariinka la yiraahdo oo looga hadlo dalka Shiinaha.

Dalalka Maraykanka New Sealand Sweden iyo Jarmalka ayaa loo aqoonsanyahay inay ka mid yihiin dalalka ugu adeega caafimaad wanaagsan adduunka.

Wadamada ugu dhaqaatiirta badan adduunka waxaa loo aqoonsanyahay Israel Uruguay iyo Iceland.

Xanuuno ay ka mid yihiin Kansarka, Sokorowga, Wadno xanuunka iyo kilyo xanuunka ayaa ka mid ah cudurada ugu badan ee dadku u dhinto adduunka sida ay shaacisay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Sida ay baahisay hay’ad la socota magaalooyinka adduunka  4,416 magaalo ayaa dunnida ku taala waxaana ugu weyn magaalada Shangahay oo Shiinaha ku taala waxaana ugu Fetikaanka oo Rooma ku dhex taal.

Magaalooyinka ugu faca weyna waxaa ka mid ah Xalab oo Suriya ku taala Jariixo oo daanta galbeed Falastiin ku taala iyo Atanis oo Gariiga.

Illaa iyo 68 kun oo ururo caalami ah ayaa dunnida ka jira waxaase ugu waa weyn 6 urur oo ay ka mid yihiin Q,M uruka jaamacadda Carabta Midawga Africa, Midawga Yurub ururka Shirwaynaha Islamka iyo qaar kaloo badan.

Inta badan ururadu waxay hoos tagaan Q,M iyo kuwa qaaradaha.

Siyaasadaha adduunka haddii aan eegnana dawladaha caalamka ka jira waa ay kala siyaasado duwan yihiin waxaana siyaasadaha adduunka loo  kala hogaamiyaa hadba sida loo kala xoog badan yahay.

Dawladaha reer galbeedka ayaa inta badan xilligaan hogaamiya siyaadasadaha dunnida inta badana dawladaha loo yaqaan dunnida Sadexaad waxay kala taageeraan hadba ay dawlada ay siyaasadeeda la dhacaan.

Dawladaha Norway Icelan Sweden New Zealand Denmark Canada iyo dawlado kale oo Yurub u badan ayaa loo aqoonsanyahay dawladaha dimoqradiyada waxa loo yaqaan tan ugu badan ka jirto taasoo ah in dadku qofka ay doonayaan ay doortaan halka dalal ay dimoqraadiyadu ka jirina loo aqoonsanyahay dalal ay ka mid yihiin Shiinaha, Cuba, Ingiriiska, Turkuminstan iyo dawladaha Carbeed ee boqoradu ka taliyaan.

Adduunka waxaa ugu xaduuda badan Shiinaha oo xaduud la leh 14 wadan oo daris la ah waxaana ugu xaduuda yar Canada, Koofur Kuuriya Lesotho iyo Fetikanka.

Wadamada Iceland New Zealand Austria Canada iyo dalal kale ayaa loo aqoonsanyahay dalalka ugu amaanka badan caalamka halka Syria, Afghanistan, Koofurta Sudan Yemen, Koongada Dimoqraadiga ah iyo Libyana ay ku jiraan safka wadamada ugu amaanka xun adduunka.

Adduunka waxaa ugu qashin badan dalka Pakistan oo kaalinta 1,aad ku jira waxaana ku xiga Qatar, Afghanistan Bangladesh Iran Mangolia.

Suuqa adduunka ugu macaamiisha badan waxaa uu ku yaala dalka Maraykanka waxaana si caadi ah uga adeegta 325 million oo ruux.

Ururo hubeysan oo dhibaato weyn geysta ayaa adduunka ka jira waxaase waayahaan dambe aad loo hadal hayaa ururo ay ka mid yihiin Taliban, Al-Qacida iyo Daacish iyo ururo kale oo isla kuwaan hoostaga

Xagga cayaarahana adduunka waxaa laga cayaarayaa marka kubbadda cagta loo eego horyaalo kala duwan oo qaabaysan heer caalam, heer qaaradeed iyo heer dal waxaana ugu weyn ama ugu caansan koobka adduunka, kan Yurub iyo horyaala kooxaha yurub ee jaambiyoonka loo yaqaan kan Ingiriiska Talyaaniga kuwa kale.

Cayaartoydka dalka Brasil ayaa ah kuwa ugu badan ee koob adduun ku guulaystay waxaana uu haystaa 5 koob waxaana ku xiga Jarmalka Talyaaniga, Argentina, Faransiiska , Uruguay, Ingiriiska iyo Spain.

Koobka adduunka waxaa maamula xiriirka kubbadda cagta adduunka ee FIFA  oo la aas aasay bishii May sanadkii 1904 waxaana xubno ka ah 211 xiriir o adduunka oo dhan ka jira.

Afartii sanaba mar ayuu xiriirkaan qabtaa cayaaraha koobka adduunka.

Garoon kubadeed kan ugu weyn wuxuu ku yaalaa caasimada Gariiga ee Athens kaasi oo la dhisay sanadkii 1896 waxaana lagu qabtay cayaarihii olombikada adduunka ee sanadkaaas waxaana ku xiga garoon white city la yiraahdo oo ku yaala caasimada Ingiriiska ee London kaasoo la dhisay sanadkii 1908,dii.

Garoonka ugu baaxadda weyn adduunka waxaa la yiraahdaa Rungrado May Day waxaa uu ku yaala caasimada dalka Kuuriyadda waqooyi ee Pyongyang waxaana uu qaadaa 150 kun oo ruux.

Garoomadda ugu quruxda badan caalamka waxaa ugu horeeyay Old Traford oo ay ku cayaarto kooxda Manchester United, Camp Nou oo Spain ku yaala Anfield Sensiiriyo iyo garoomo kale.

Naadiga ugu faca weyn kooxaha kubbadda cagta waa kooxda la yiraahdo Sheffield oo ka dhisan dalka Ingiriiska waxaana kooxdaan la aas aasay sanadkii 1857,kii.

Cayaaryahanka ugu gool dhalinta badan adduunka waxaa la yiraahdaa Josef Bican oo u dhashay dalkii la isku oran jiray  Jeega-Austria oo waagaas hal isku ahaa

Cayaaryahaan waxaa uu dhaliyay 805 gool waxaana ku xiga Romario oo u dhashay dalka Brasil oo dhaliyay 743 Gool kaalintaas sadexaadna waxaa ku jira cayaaryahan reer Jarmal Gerd Muller oo asna ay u diwaan gashantahay 711 gool.

Waayahaan dambena cayaaryahanada hadda jira waxaa ugu gool badan adduunka Cristiano Ronaldo oo leh 593 iyo Lionel Mesi oo asna 571 gool.

Cayaaraha kale ee aad loo daawado waa koobka qaramada qaaradda Yurub ee Yuurooga loo yaqaan oo asna afartii sanaba la qabto.

Cayaartoyada qaranka 24 wadan oo Yurub ku yaala ayaa loo qabtaa dalka kaliya ee labo jeer oo isku xigta ku guulaystana waa dalka Spain.

Koobka qaramada qaaradda Afrika ayaa asna ka mid ah cayaaraha aad loo daawado waxaana markiisii ugu horeysay la qabtay sanadkii 1957.

Cayaartoyda dalka Masar ayaa ah kooxda ugu badan ee haysta koobkaan  waxaana ay ku guulaysteen 7 mar.

Markii ugu horeysay koobka qaramada Afrika waxaa ka qeyb galay 4 wadan oo kaliya kuwaasoo  kala ahaa Masar oo waagaas loo yaqaanay dalka midawga jamhuuriyadda Carbeed, Sudan, Ethiopia iyo Koofur Afrika.

Hadda cayaaraha koobkaan waxaa ka qeyb gala 24 wadan cayaartoydooda.

Cayaaro kale oo iyana xiisahooda leh waa koobka qaaradda Asia ee Asian Cup waxaana xulka ugu badan ee haysta koobkaan uu yahay kan dalka Japan oo qaaday 4 mar.

Cayaaro kale oo ay ka mid yihiin baasketka, kiriketka tartanka fardaha, orodada feerka iyo cayaaro kale ayaa adduunka laga cayaaraa.

Adduunka waxaa ku yaala qiyaastii in ka badan 40 kun oo garoomo diyaaradeed ah kuwaasoo u diwaan gashay hay’adda caalamiga ah ee duulista hawada caalamka qaabilsan ee magaceeda loo soo gaabsho ICAO.

Garoomo ay ka mid yihiin Hartsfield-Jackson Atlanta International Airport (ATL),Beijing International Airport (PEK), Dubai International Airport (DBX) iyo Tokyo International Airport (Haneda Airport) ayaa ka mid ah garoomadda adduunka ugu weyn.

Rwanda Droneport, iyo Tenzing-Hillary Airport oo ku yaala dalka Nepol ayaa loo aqoonsanyahay garoomadda ugu yar adduunka.

Garoonka diyaaradaha Hartsfield-Jackson oo Maraykanka ku yaala ayaa calamka ugu mashquul badan waxaana sanad walba ka duula kana daga 100 million oo ruux.

Dalka Maraykanka ayaa adduunka ugu garoomo badan waxaana ku yaala 13,513 garoon diyaaradeed waxaana ku xiga dalka Brasil.

Afrikana waxaa ugu garoomada ugu waa weyn waxaa ka mid ah Oliver Tambo International Airport oo Kuufur Afrika, Oliver Tambo International Airport. Cairo International Airport, Cape town International Airport iyo Sharm El-Sheikh International Airport

Garoonka diyaaradaha Johansbeeg ayaa Afrika ah kan ugu mashquul badan waxaana maalintii isticmaalaa ku dhawaad 300 oo duulimaad.

Dalka Koofur Afrika ayaa dalka kaliya ee Afrika oo dhan ee lahayn caasimad rasmi ah waxaana dalkaasi leeyahay Sadex magaalo oo waa weyn.

Adduunka waxaa ugu qabow dalka Rushka oo inta badan sanadkoo dhan baraf ka da’o waxaana ugu kulul saxaraha Libya oo heer kulku sanadkoo dhan ka badan 55 digrii.

Afrika waxaa ugu qabow dalka yare e Lesotho oo K/Afrika ku dhexyaala waxaana ugu kulul Botswana, Mali, Soomaaliya, Sudan , iyo Libya.

Dalalka magacyada iska badalay waxaa ka mid ah Cambodia, Myamar, Koongada Dimoqradiga Jamhuuriyadda Jeega iyo Macedonia.

Adduunka waxaa ugu wax soo saar badan dalka Shiinaha oo soo saara waxyaabaha adduunka laga isticmaalo 13% waxaana ku xiga Maraykanka, Barasiil

Marka dheemanka iyo dahabka loo eegana waxaa  ugu horeeya Rushka Afrikana waxaa ugu horeeya Botswana.

Xagga diimahana Waxaa jira 5 diimood oo dadka adduunka ugu badan ay haystaan.

Islamku waa diinta labaad ee dadka adduunka ugu badan haystaan waxaana dadka Muslimiinta ah ay ka badan yihiin 1.8 billion oo ruux taasoo ka dhigan in 25 dadka adduunka ku nool ay Muslimiin yihiin.

Muslimiinta ugu badan waxay ku noolyihiin dalka Indonesia waxaana la aaminsanyahay in Islamku uu si xawli ah dunnida ugu fidayo.

Dadka dhaqanka diinta ka dhigtay caalamka waxay ka yihiin 1.1 billion oo ruux.

Qiyaastii in ka badan 4 million oo Masjid ayaa adduunka ku yaala waxaana masaajida ugu badan ku yaalaan dalka Indonesia o ay ku yaalaan 800 oo kun oo masjid waxaana ku xiga Hindiya oo ay ku yaalaan 300 oo kun oo Masjid.

Masjidka ugu weyn waxaa la yiraahdaa Masjidu Qubaa oo la dhisay taariikhdu markay aheyd 622 milaadiga.

Masjidkaan waxaa dhisay saxaabada Nabiga NNKH.

 

W/soo ururshay Burhaan Diini Faarax.

Phone:+252-615108019

E-mail: burhandiini@gmail.com

Burhan Dini Farah

Telephone: +252-615108019/ +252 616116206

E-mail addresses: burhandiini@gmail.com /diiniyere143@hotmail.com