Muqdishow guri Ka dhiso, mid kalena dhis!!!.

Maanta waxaan Ka Soo lugeeyay Seey Biyaano aniga oo is leh Bajaaj Ka sii raac Busteejada Daarta Zoobe, waxaan arkay aniga oo taagan K4.

Goor aan Soo gudbay ma ogeeyn, waxaan inta badan Ka fekeray Kirada Guriga aan degenahay iyo Bishii oo dhamaatay. Bajaaj ayaan Ka Soo raacay K4 ilaa aan Ka imid Xeebta Liido.

Waxaan Soo ag maray Guriyihii ey dhiseen Rag badan oo Magaaladan joogi jiray sida: Daartii Ibrahim Uun laaye, Jirdo Xussein, Zoobe, Xaaji Muqadan, Caalimoow, Axmed Shuqul, Aadan Cade, Osman Axmed Rooble, Cabdullahi Maanjoor, Shuuriye, Cabdrashiid Cali, Xaashi Wehliye, Xaaji ganjab, Muuse Maaxaay, Shariif Zeenoow, Koogaar, Cabdiraxmaan Jamac, Ali Ameerico, Xaaji Yusuf, Cali Boolaay, Oomaar, Xaaji Farax, iyo kuwa kale, dhamaantood ALLA ha u naxariisto.

Daarahaa Dadkii dhistay hadda ma joogaan, ALLA ha u wada naxariisto, qaarkoodna Dad kale ayaa Ka gatay caruurtoodii, oo waa milki guureen guryahaa Aduunyo. Ragga qaarkood, waxa ey dhiseen, Masaajid si ey ugu noqdaan Guri Aakharo.

Walwalkii Kirada la iga rabay waa i daayay haddiiba kireeystaha iyo laga kireeyuhu ey Ka tagayaan Guriyihii ey Ku daaleen.kuma lihi Guri Aduunyo ha dhisan, Horaa loo yiri: Aduunyo ugu shqeeyso sida Adiga oo weligaa noolaanayo, Aakhirana ugu Shaqeeyso sida Adiga oo Berri dhimanaayo.

Haka Caqli yaraan, Haweeneeydii wanaagsaneed, Marwo AASIYO AuN oo aheyd Xaaskii Gaalkii Fircoon, oo iyada oo deganeed Gurigii Aduunka ugu qurxanaa waqtigeedii, haddana Tiri: Alloow Guri iiga dhis Jannadda. Sida Qur’aanka lagu sheegay.

FG: Xamar Guri Ka dhiso, kiro dhibkeeda Annigaa soo arkaye, Hana hilmaamin in aad Aakhirana mid kale Ka dhisato.waa iga Talo

Arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii iga khaldanna iga sax.

Qore: Yahya Amir