Baadi miyaa kaa maqan? =Faallo Cajiib ah=

Ummad aan taariikhdeeda ilaashan, Maxaa lagu macneyn karaa?

Ma taqaan taariikhdaada, fiiri sida ummaduhu u baadi goobayaan Taariikhdooda.

Boqor Tewodros- kii 2aad, waxa uu xakumayay Dalka Itobiya 1855-1868, waxa uuna Ku dhintay Dagaal Ingriiska iyo Itobiya Ku dhaxmaray magaalada Moqdala ee Dalka Itobiya, markii uu dareemay in laga itaal roonaaday ayuu yiri: Ingriisku aniga oo maxbuus ah i qaban maayaan, waana is dilay, halkiisii ayaana lagu aasay.

Ingriisku waxaa ey qaateen Hanti aad iyo aad badan oo Boqorku lahaa. waxa ey Go’aansadeen si ey u cadeeyaan Geeridiisa in Laba xirmo oo timahiisa Ka mid ah ay u qaadaan Dalka Ingriiska, Timigii ayeey qaar Ka jareen. 150 Sanno ayaa Tintaasi tiil Museum- Ka Landon iyo gooba kale oo Taariikhda lagu xafidayay.

Itobiya ayaa Hadda Ku dacwootay in loo Soo celiyo 150 Sanno kadib Tintii Boqorkooda. Ugu dambeeyn Ingriisku waa ogolaaday, waxaana loo Soo celiyay Dalka Itobiya ,waxaana lagu wareejiyay wasiirka dhaqanka ee Itobiya Mr. Hirut Kassaw. ( F.S: 1 & 2aad)

Taariikhdaa waxaan u Soo qaatay. Adigu ma taqaan Taariikhdaada taal meela kale, ma Ku fekirtay in aad Soo ceshato hantidaa kaa maqan, qaar hantidaada ah waxaan Ku arkay Turkiga iyo Shiinaha, meela kalena waa yaalaan.

Waxaan u Mahad celinaa Mr. Cali Saciid Xassan oo Soo ururiyay 34 astaan taariikheed Somaliya oo u badan Sawir gacmeed, Ka mid ah 1.112 Sawir taariikheed Somali ah oo uu baadi goobayay. (F.S: 3aad)

Baadidaada Taariikheed raadso. Haddii Tin taariikh ahaan loo raadsanayo, Adiga Tin Ka badan ayaa kaa maqan. Sida qoraalo Culumadii hore ey qoreen, heshiisyo taariikhi ah, qalab dagaal iyo kuwa kale.

Baadidaada yaan lagaa bililiqeysan.

FG: wixii Ka khaldan Ka sax.

Qore: Yahya Amir