Wasiir Maareeye oo maanta Hortagay Golaha Shacabka

Xildhibaanada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kuklan koodii caadiga ahaa ku yeesheen xaruntooda Muqdisho waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan.

Kulanka ayaa ku furmay 148 mudane waxuuna Ajanduhu maanta ahaa hindise sharciyeedka Shirkadaha ganacsi, waxaana goobjoog ka ahaa wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Xayir Mareeye.

Xildhibaan Daahir Maxamuud Muuse oo kamid ah guddiga Ganacsiga iyo Warshada ee Baarlamaanka ayaa waxa uu ka warbixiyay hinsaha oo markii labaad ay Barlamaanka horgeeyeen wuxuuna sheegay in markii uu maro sharcigaan aqrinta Seddaxaad ay dib ugu soo cili doonaan Xildhibaanada si loo ansixiyo Todobaadka soo socda.

Fadhiga ay maanta yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa uu Sabtidii nadhaaftay u baaqday Koram la,aan, intii uu furnaa kala fadhiga Shanaad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa dhowr jeer koram la,aan u furmi waayay kulamo ay yeesheen Xildhibaanadu.