Xog wadaag.( Deeq wax Barasho) Ka faa’iidayso!!!

Ma dooneysaa, wax barasho Lacag la’ aan ah ee Dalka Japan. MA ama PhD oo loogu deeqay Somalida, una gaar ah somaalida.

Toos u Dalbo, haddii ey calafkaaga tahay,waad heli doontaa,Ka hor 24/5/2019.

Wax barashada Japan waa mid Tayo wanaagsan oo Aduunka laga qiimeeyo inta aan ogahay. In kasta oo Annigu aanan wax Ku baran Dalka Japan.

Hadda Ka hor ayaa Arday Japanese ah oo wax Ku baranayay Jaamacadda Tokyo University oo Buugiisa qalin jabinta Ka qorayay ( political Economy of Africa) ayaa iila Soo xiriiray toos si aan u caawiyo, waxaan Ku iri: Jaamacadu ha ii Soo qorto qoraal ey iyadu ku codsanee, weeyna ii Soo qortay, Mudadii aan caawinayay Ardagaa Reer Japan ayaan dareemay in tayadooda wax barashadoodu ey sareeyso.

Dhowr Sanno kadib Ardagii ayaa Cinwaankeeyga siiyay Safaarada Japan ee Kenya, weey i Soo weceen waana u tagay. Mar kale ayaan Dareemay in ey yihiin dad diyaarsan, Labadaa mar oo kaliya ayaa weligeey Japan wax na dhax mareen.

FG: Raali ahaada, ma rabo in aan been sheego, Laba mar ma ahan, waan hilmaamay mar seddexaad ayaa jirta. Seminar 7 Cisho ey Dowlada Japan Ku qabatay magaalada Garisa NFD ayaa la iga codsaday in aan xiriiriye Ka noqdo. Waa Markii iigu horeysay ee aan Gariso tago, iyo markii ugu horeysay ee la i siiyo shahaado uu Ku sawiran yahay Calanka Japan.

Waaya aragnimadeyda Dalka Japanka oo intaa oo kaliya Ku kooban, ayaan jeclaa lahaa in aan arko Arday Somali ah oo hela wax barasho taya leh.

In aad Ku guuleeysato waa suura gal, haddii Adigu Aadan shuruudaha buuxin Karin u gudbi walaalkaa kale oo Somali ah. calaf lama waayo.

Waa iga xog wadaag kaliya.

FG: Kala Xiriir Cinwaanka hoose.

Qore: Yahya Amir

Applications for the 2020 Japanese Government MEXT Scholarships Now Open! : Embassy of Japan in Somalia