Halyey Culus oo ka Geeriyooday Qaranka Soomaaliyeed!!!

Adduunyo waa safar, Qof walbana Maalin Ayuu ka tagayaa, Geeridu waa xaq, waana halka lagu dambeyn doono, ma dhinte waa illaah ee Alle ha u naxariistee waxaa maanta ummadda Soomaaliyeed ka baxay halyeey Culus oo soo shaqeeyay waqti adag.

Wasiirkii hore ee Wasaradda Dhallinyarada iyo Isportiga ee Dawladdii C/qaasin Salaad Xasan, haatanna ahaa Xoghayaha Guud ee Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka Al-ustaad Cabdi-casiis Mukhtaar Macallin {Qariidi} ayaa maanta ka wareegay ifka, waxaana uu ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Murugo, naxdin & welwel ayaa ila soo darsay markii aan maqlay geerida Halyeygaas, Daacadnimo, Xilkasnimo iyo Naxariis ayuu Macruuf ku ahaa marxuumka, Qaranimo jaceyl ayuu caan ku ahaa, wadani aan marnaba dalka ka bixin oo wadankiisa ku faana ayuu ahaa.

Alle ha u naxariistee Marxuum Qariidi taariikhda ayaa xusi doonto, wey adag tahay inla helo halyeey isaga oo kale ah.

Akhyaareey ii ogolaada inaan u wada Duceyno wallaalkeena C/casiis Khariidi, Jjannada allaha ka waraabiyo. Aamiin.