Cabdulahi Hassan Dhaqaale oo u sharaxan Barlamaanka Yurub oo Orebro booqasho ku yimid +sawiro

Xalay waxaa si diiran ay ugu soo dhaweeyen Magaaladan Orebro Hooyoyinka, Indheer garadka, Siyaasiyinya iyo dhalinyarada  Mudane Cabdulahi Hassan Cabdulle Dhaqaale oo u sharaxan Baarlamaanka Yurub EU.

Waxa goobtasi ka hadlay gudoomiyaha Jaaliyada Afrikhor Guuled, asagoo soo dhaweeyay musharaxa, sharaxaad dheerna ka bixiyay sida Örebro ay ugu taagan tahay midnimada Ummadda Soomaliyeed.
Cabdulahi dhaqaale oo munasaba ka hadlay ayaa codsaday in doorashada oo xaq ay u leeyihiin loo soo baxo isla markaana asaga la doorto, wuxuuna balan qaaday inuu ka shaqeyn doono  doono ilaalinta shrucuuda xuquuqda shaqalaha iyo abuurista shaqoyin,sidaaso kale ilaalinta xuquuqda qaxootiga.
Dadkii madasha ka hadlay oo badna sida siyasi Yuusuf Cabdow, Macalim Baxnaan Marwo Dahabo Shidane,Cali Abuukar iyo qaar kale ayaa dhamaan ka hadlay muhimada ay leedahay matalida goobta wax lagu qeybsanayo iyo ka muuqnaanta Cabdulahi dhaqaale, waxeyna u rajeeyen Guul.
Hassan Osman Örebro Sweden