Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya Ajandayaal dhowr ah.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa wuxuu yahay aqrinta labaad Hindise sharciyeedka shirkadaha ganacsiga,waxaana Xildhibaanada Ajendahan ka doodi lahaayeen Maalintii sabtida aheyn ee la soo dhaafay,hayeeshee kulankaas ayaa waxaa uu u baaqday Kooram la’aan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu wargeliyay in uu jiro kulan Maanta,isla markaana ay soo qeyb galaan.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Kulanka Maanta ay yeelanayan Xildhibaanada hortagaan Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya.