Soomaaliland: Rag ku dhaawacmay Qaraxyo ay sameynayeen

Taliska Ciidamada Booliiska Somaaliland ayaa sheegay in ay soo qabteen qaar kamid ah rag sameynayay waxyaabaha qarxa.

Labo Nin oo dhaawac ah ayaa laga soo qabtay magaalada Wajaale ee dhacda xuduuda ay wadaagaan deegaanada Soomaaliland iyo Dowlad deegaanka Soomaalida .

Raga ku howlanaa sameynta qaraxyadaas ayaa la sheegay in ay ahayeen Shan Nin, waxaana ku qarxay wixii ay diyaarinayeen iyadoo ay ku dhaawacmeen labo ka mid ah ragaasi.

Ciidamada ayaa halkaasi ka soo qaaday labadii nin ee dhaawacu soo gaaray, waxaana halkaasi iskaga baxsaday Seddaxdii kale kuwaasi oo iyagu kabadbaaday qaraxa.

Ciidamada amaanka Soomaaliland ayaa ku guul dareystay in ay soo qabtaan ragii baxsaday waxeyna soo bandhigeen waxyaabo qarxa oo ay sheegeen in ay sameynayeen Shantaasi Nin.

Xukuumada Soomaaliland lama wadaagin shacabka halka ay ragaasi doonayeen in ay ku weeraraan waxyaabahaasi qarxa oo ay sameynayeen, waxeyna sheegeen Ciidamadu in ay ku waad joogaan ragii ka fakaday.