SHIRKII NAIROBI OO DALBADAY IN XILKA LOOGA QAADO RAYSAL WASAARE KHAYRE

Waxaynu wada qiraynaa maanta qofka uu yahay Mudane Raysal wasaare Khayre, inagoo ah shacabkii soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan,haday tahay siyaasiyiin, haday tahay aqoon yahano,haday tahay ururada bulshada rayidka ah,haday tahay culimadii diinta,haday tahay hablo iyo wiilalba,hadaytahay haween iyo odayaashii dhaqanka, haday tahay ciidamada qalbaka sida dawlad iyo shacaba.
Hadaba suaashaa ayaa ah waa qofkee qofka uu yahay Raysal wasaare khayre oo aynu qiraynaa?
Markii la doortay oo madaxweynaha qaranku inoo dooray,balan baa ka horaysay dooristiisa uu inoo balan qaaday oo ahayd in uu dalka u xulidoono Raysalwasaare wadani ah oo daacad u ah dalkiisa iyo dadkiisa shaqadaana kasoo dhalaalaya siday tahay.Hadaba markuu hawl galay Mudane khayre mudo yar kadib waxaan aragnay ifafaalo ina tusaaya wixii madaxwaynuhu inoogu sheegay in uu yahay raysal wasaaraha imandoonaa xiligaas.
Hadii uu shaqadii mudo kooban wadayna waxaan aragnay wax waayadan aan dalkeenaba lagu arag oo ah kuwan hoos ku qoran.
*Raysal wasaare go aan leh
*Wadani dalkiisa dhisaaya dadkiisana jecel
*Hantidii dalkeena ee la dhici jiray oo uu ka ilaaliyay naftiisa iyo maamulkiisaba
*Nin qaran oo ka fog qabyaalad ka doortay soomaalinimo
*Dawlad yaqaan ilbax ah oo soomaali udiiday ceeb ah raysalwasaare iyo madaxweyne halkii ay dalka u shaqayn lahaayeen ku dagaalama hantida shacabka soomaaliyeed iyo qabyaalad kuwaasoo mudo ina soo daashaday.
*Geesi ileen fulay dal ma badbaadiyee
*Ladagaalanka musuqmaasuqa oo uu ku xeel dheeraaday
*shaqo badan karti iyo hufnaan ku shaqayn
*khibrad maamul aqoon durugsan iyo dadnimo eebbe u dhaliyay isaga oo siiyay
Umada soomaaliyeed waxay kubaratay ka aragtay u qiraysaa in raysal wasaaraha soomaaliya Mudane khayre yahay nin leh sifahaan korkuxusan,shalay ma uusan aqoon waa kuma khayre waayo nama uusan hor iman maanta uu nahoryimid waan naqaan qofka uu yahay khayre waana shaqsi qaranka soomaaliyeed mudo dheer xusu doona wanaagiisa iyo wax qabadkiisa qarankuna kama maarmo khayre iyo cidkastoo sifihiisaa yeelata.
Ninkastoo shacabka soomaaliyeed soo hor istaagana oo saagala saaxada siyaasada shacabku waa baranayaa qofka uu yahay haduu yahay wadani iyo haduu yahay qaran dumis.
Illaahay kolkuu kusiiyo wanaag ah in madaxdii shalay dalkeena ku gabood fashay inoogu badalay kuwo dhisid iyo hormar iyo dawladnimo taaba gashay inoo keenay xaqu waxaa weeye oo kaliya in aan sujuud iyo shukri la dhacnaa oo illaahay u xamdinaa dadoow hadaad wax kasaysaan. Rabbigii ninkii ka khoofayaa waa arkaa khayre in uu yahay nin wadani ah soomaali ah u dhimanaya in soomaaliya ay hesho dawladanimo buuxda nidaam iyo kala danbayn qofkastaana helo nabad iyo nol dalkiisa dhexdiisa. waxaan qiraaya alle hortiisa iyo shacabka soomaaliyeed hortoodaba in khayre yahay nin raysal wasaare ah oo dalkeena soomaara tan iyo intaan xoroownay 1960 ninkii uugu fiicnaa dalkeena iyo dadkeena u shaqayntooda, halkan waxaan kusoo koobay duco ah in illaahay cimrigiisa inoo dheereeyo halganka uu ku jirana oo ah badbaadinta dadkiisa iyo dalkiisa iyo dawladnimo buuxda oo ka hana qaada dalkeena soomaaliya in illaahay ku guuleeyo. tan intanaan uga baxay.
GO AANKII KASOOBAXAY SHIR KA DHACAY NAIROBI
Horta suaashu waxay tahay yaa shiray? waxaa shiray koox dadka badankiisu u yaqaan siyaasiyiinta xanaaqsan oo ay horboodaan madaxweynihii hore xasan sheekh iyo xildhibaan fiqi.waana xubno kamid ah shabakada maafiyada caalamiga ah iyo dad yaroo si khaldan loogu macsuumay markii danbana ka argagaxay waxa meesha laga sheegay. waxa suura gal ah in aad is waydiiso waa maxay shabakada maafiyada caalamiga ah? hadaba waxaa weeye 3 kooxood oo kajira dalka gudihiisa gaar ahan caasimada Mogdisho iyo koox afraad oo ah dawlado shisheeye tanoo ka dhigtay heer caalami ah.waana sidan
1.Siyaasiyiin kuwo ku gabada iyo mucaarad oo ay horboodaan xasan sheekh iyo fiqi
2.Bakaaraha ganaacsato kuwo ku dhex dhuunta oo iska dhiga ganaacsato,si ay ugu qariyaan oo dadka iyo dawladuba ugu qaataan hawlo ganaacsi lacagaha ay keenaan dawlado carbeed oo Emaaradku ugu horeeyo,lacaga haas oo lagu fuliyo hawlaha amaan daro ee dalka soomaaliya ka jira mudo aad u dheer.
3.Qolo afka duuban dadku u yaqaan shabaab markaa afka uduuban yahay kuwan oo ay kamid yihiin kuwa diiday isdiiwan galinta ciidamada xooga oo ah marka ay wajiga furtaan sida wajigoodu ufuran yahay marka ay ganaacsatada iska dhigayaan suuqa bakaaraha.
4.Kooxdani waa dawlado shisheeye oo bixiya dhaqaalaha lagu hawlgalo kuwaas oo ah dawladaha carabeed qaarkamid ah oo ay ugu horayso Emaraadka.
Hadaba kulanka sadexdaa kooxood oo hadafkoodu yahay in dalka soomaaliya uusan helin dawlad iyo amaan midna ayaa ku shiray nairobi waxaana kharashka bixiyay Emaraatka. waxaynu wada ogsoonahay in caasimada dalkeena Mogdisho ay kajirtay bilhii udanbeeyay qaraxyo isdaba joog ah,dilal qorshaysan oo hadafkoodu ahaa buburin lagu burburinaayo hanaqaadka dawlada soomaaliyeed iyo amaanka caasimada ee soo hagaagayay in looga hortago.
Waxaa loo tusaayay caalamka in Mogdisho nabad ahayn. Waxaa yaab noqotay umadii soomaaliyeed layaabtay kuwii ku gabanaayay mucaaradka waxa ka soo yeeray ee laabtoodu haysan kariwaysay!! maxsuulkii natiijadii kasoo baxday shirkoodii sharka ahaa waxa kasoo baxay ayaa noqotay wax nin walbaa layaabo. waxayna dalbadeen shir dheer kadib nimankii mucaaradka ahaa siday sheegtaanba “Waxaan doonaynaa in madax weynuhu nasiiyo jagada raysal wasaare oo uu nooga qaado khayre!!” haduu sidaa yeelana waanu la heshiin dawladana la dhisaynaa iyo amaanka mogdisho hadii sidaa naloo yeeli waayo hawsheena waa wadaynaa weeye.
Dadka soomaaliyeed wixii loo qarxinaayay, intii shacab masaakiin ah halaagsantay, intii maal burburtay oo dadku cayroobay, caasimada Mogdisho mawaxay ahayd isii raysalwasaare!!! 
Shabakada maafiyada caalamiga ahi hadafkoodu shirka waxa uu ahaa oo kasoo baxay waa uun laba qodob oo kala ah sidan dhab ahaan.qodob walbana si cad baan u sharaxayaa aad haloo fahmo.
1.Qabyaalad: Waxay wali goconayaan xilkii ay rabeen markii la doortay farmaajo in uu iyaga siiyo.waana lasiiyay soomaalida oo waayadan danbe ku qaybsata wax, qaab beeleed ah 4.5 hayeeshee waxay qabyaalad xiqdi iyo xin ku hayaan beesha lasiiyay ee raysalwasaaruhu ka dhashay jifo ahaan. waa u quuru waayeen waxayna rabaan wax kastoo beelaha MOGADISHO ay ka helaan soomaaliya in iyaga uun lasiiyo oo ay kamudan yihiin beelaha kale. Muraaro dilaac shar iyo masayr ayaa shaydaan ku mayriciayay naftoodiina waa dhibtootay cidaan!! waxay in kirsan yihiin in qofkasta iyo beel kastaa xaqleedahay oo ay doonayaan intaa iyaguba naftooda la doonayaan. waxay kaxun yihiin in Mogdisho laga dhex helo beelo ka wanagsan iyaga xaga aqoonta iyo wadaniyada iyo kartida intaba oo soomaalidu usoo dhawaato sida muuqata hadaba. waxay diidanyihiin tartanka iyagoo ogsoon in laga dheeraynayo dhanka gobonimada. Adeer nin kaa gobsan ma qarinkartid waligaa hadaad ayaamo qarisay. qodobkani waa xaasidnimo beeleed iyo qabyaalad ay u muujiyeen beesha raysalwasaaraha.
2.Dawlad diidnimo: Hadii lasiin lahaa raysalwasaare maxaa u qorshaysan,waxay hor istaagi lahaayeen in Mogdisho noqoto caasimad nabdoon, waxay dhiiri galin lahaayeen ciidamadii sidii dhul lahelay ku habsaday shabeelada hoose ee dadkii dagaankaa baro kiciyay kana qaaday beerahoodii iyo dhulkoodii, sidii ay usii haysan lahaayeen. waxay soo celin lahaayeen gadida biyaha wabiga waxay soo celin lahaayeen beerida xashiishka iyo daroogada, waxay sii laban laabi lahaayeen lacagaha lagu siiyo xasilooni darada ka jirta soomaaliya ee uu bixiyo cadawga soomaaliyeed. waxaa dalkeena ku sii xoogaysan lahaa shabaabka iyo daacishta. waxay heli lahaayeen waxay jecel yihiin oo ah dhiiga muslimka daadintiisa iyo doolar. waxay bilaabi lahaa yeen dagaal raysal wasaare iyo madax weeyne siday ahaan jirtay si loo sii foogeeyo rajodawladeed oo danbe soomaaliya.
Labadan qodob ee ah midna qaran soomaaliyeed iyo dawlad diidnimada midna yahay qabyaalada weeye waxa uu xanbaar sanyahay hadalka fiqi kaga dhawaaqay shirkii nairobi oo ah mid ay u dhanyihiin. waxaase illaahay mahadii ah maanta in caruur iyo ciroolaba la fahmay hadafka nacasnimo cadawnimo ee ay leeyihiin shabakada maafiyada caalamiga ahi ee ay u qabaan qabiilooyinka Mogdisho (fiiro gaara waxan ka xishooday in aan qabiil afka ku dhufto) gaar ahaan iyo guud ahaan soomaaliya dawladnimadeeda.
Ninkii qabyaalad wax ku doonaa iyo ninkii dadkiisa iyo dalkiisa dhaafsadaa doolar midna ma liibaano aduun iyo aakhiro waana layska celin oo guryadooda loogu tagi. waxaana dawlada iyo shacabka soomaaliyaad waajib ku ah in gacan loola tago cidkastoo kasoo horjeedsata dawladnimada soomaaliyeed, marnaba yeeli mayno dawlad la aan iyo amaan daro dalkeena ah waa waajib in aan u dhimanaa dalkeena xalkuna waa dagaal oo kaliya. waana luuqada dal markuu xaaladan oo kale galo uu qaato ninkastoo dalkiisa ku soo dabaala hanaankii dawladnimo . shabakada maafiyada caalamiga ah dadkay dilaan qarxiyaan intaas unbay fahmayaan waana waajib in lagula hadlaa luuqadooda taasoo bilaabatay ilaa lasifeeyo. 
Dalka soomaaliya rag baa inoo bareeray ina dilaya qofna aan inaga reebayn sidaa daraadeed waa in ay dalka u haraan ama u haraa oo noqonaa dawlad jirta. ninka ka sheekaynayaa dimuqraadiyad, ninka ka sheekaynaya xisbiyo iyo mucaarad waa nin aan dhab ahaan rabin dawladnimo soomaaliyeed oo soo noqota. arimahaasi waa fiican yihiin laakiin waa laga horeeyaa illaahay hayna gaarsiiyo xisbiyo iyo dimuqraadiyad iyo hormar. ma doonayno cagoolkii yiri aan orodno!
Yusuf Omar