Madaxweyne Sheekh Shariif oo diray fariin dalka iyo dadka badbaadineysa

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay Xaaladda dalka, waxaana uu sheegay in dowladda Maanta jirtaa ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo aysan Mas’uuliyad badan iska saarin Xaaladda dalka.

Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aysan daacad ka aheyn dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Shabaabkii aan shaley Muqdisho iyo gobolo badan oo dalka ah ka xureyney in nala yiraahdo maanta Dekeda Muqdisho iyo suuqa Bakaaraha ayey Canshuur ka qaataan looma dulqaadan karo, anagu Dowlada diyaarbaan ula nahay inaan ku garab istaagno ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Shariif sheekh axmed ayaa hordhigay dowladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo in ay Caddeyso Saddex qodob oo kala ah:

1. Qorshaheeda amniga dalka, oo meel fog laga keeney

2. Goorta ay soo dhameystirayso dastuurka kumeel gaarka ah

3. Inay xili hore caddeyso nooca Ddoorashada 2021

Waxaa khudbadaha labada Madaxweyne hore Shariif sheekh axmed iyo Madaxweyne hore Xasan sheekh maxamud ee maanta ka jeediyeen kulanka munaasabada daah furka Xisbiga Himilo Qaran

Waa hadal sax ah oo muujinaysa in dadka soomaaliyeed diyaar u yihiin In dalka iyo dadka la badbaadiyo.

Jawaabta maaha Mucaarad Xanaaqsan iyo Madaxweyne Caraysan waa In wada hadal lagu dhabeeyaa khilaaf yada jira.

Maxamed Caalim