Daawo: Madaxweyne Saciid Deni Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Dowladda Federaalka

Toos Madaxweynaha Puntland Shir jaraaid

Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay arimo badan oo laxiriira safarkiisii Imaaraadka iyo Kenya, khilaafka madaxda maamul goboleedyada iyo DFS.

Posted by SBC Somali TV on Saturday, April 27, 2019

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhaliil u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya,kadib markii xalay uu shir Jaraa’id uu uga hadlayay Safarkisii uu ku tegey dalka Isutagga Imaaraadka ku qabtay Magaalada Garoowe.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Deni in Puntland ay welwel ka qabto habka wadashaqeynta dowladda federaalka iyo dalka sida loo maamulayo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Deni in Puntland Khataraha ugu badan dareemayso ay kamid tahay in nidaamkii lagu heshiiyay iyo dastuurkii lagu heshiiyey la gacan bidixaynaayo,isla markaana wadadii loo baahnaa uusan ku socon,isagoona xusay inay arrimahaas ay uga muuqato khatar abuuri karta in siyaasada dalka ay gaarto meel xun.
Isaga uu sii hadlaayay ayuu sheegay Saciid Deni in Puntland iyo dad badan oo Soomaaliyeed ay garowsan yihiin marxalada dalka haatan uu marayo,isla markaana aan la gaarin meeshii ugu sareeysay ee loo baahnaa in lagu maamulo.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa dowladda ku eedeeyay inay ku fashilantay amniga Muqdisho gaar ahaana uu culeys badan ka saaran yahay dhinaca wadada maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.