Guddoomiyaha Waxbarashada ee Degmada Marka oo Daah-furay Imtixaanka 2018/2019

Guddoomiyaha Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee degmada Marka, Gobolka Shabeelaha Hoose, Cabdixakiin Cabdi Siidow ayaa waxaa uu maanta daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2018/2019, oo ay maanta u fadhiisteen ardayda wax ka barta Goobaha Waxbarasho ee degmada.

Waxaa imtixaanaadka ka qeyb-qaadanayay ardayda dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare ee degmada Marka oo ka mid ah deegaanada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa sanadkan imtixaanaadka loo diiwaan geliyay inay ka qeyb-qaataan arday isugu jira wiilal iyo gabdho, kuwaasoo gaaraya ilaa 1300 Arday.

Qudbad kooban oo uu halkaasi ka jeediyay Gudoomiyaha ayaa waxa uu la hadlay ardayda, asagoo u sheegay inuu ka rajeynayo inay soo bandhigi doonaan aqoontooda, wuxuuna u rajeeyay guul.

Waxa uu Gudoomiyuhu si gaar ah uu ula hadlay arday u fadhiday imtixaankii ugu dambeeyay ee Dugsiga Sare, asagoo u balan-qaaday kuwa kaalmaha hore ka gala imtixaanka loo fidin doono deeq waxbarasho jaamacadeed Isla markaana ay lacag la`aan ku dhigan doonaan jaamacadaha dalka.

Ugu dambayn waxa uu Gudoomiyuhu u mahad celiyay macalimiinta asagoo ku amaanay dadaaladooda iyo sida ay mar kasta ugu dhabar-adeygaan sidii ay usoo saari lahaayeen hogaamiyayaashii mustaqbalka, kuwaasi oo uu rajaynayo in ay Wadanka u horseedaan horumar iyo barwaaqo.