Deg Deg: Qarax Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Lagula Eegtay Deegaanka Weydow ee Duleedka Muqdisho

Waxaa Goordhow na soo gaaray in Qarax qarax uu ka dhacay deegaanka Weydow ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa la sheegay in uu ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso,isla markaana waxaa lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Soomaaliya oo marayay deegaanka Weeydow ee duleedka Muqdisho,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay u sheegeen in qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay rideen Ciidankii qaraxa lala eegtay.

Ugu yaraan laba ruux oo mid kamid ah uu yahay Askari ayaa qaraxaasi ku dhintay,halka uu ku dhaawacmay Askari kale oo ka tirsan dowladda,kaasi oo la socday gaariga uu qaraxa la haleelay.

Dhanka kale Kolonyada qaraxa lala eegtay oo ay la socdeen Ciidamada dowladda ayaa waxaa la sheegay inay ka yimideen dhinaca degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,iyagoona kusoo jeeday Magaalada Muqdisho.