Wararkii ugu dambeeyay duqeyn diyaaradeed oo gelinkii dambe shalay ka dhacday deegaano ka tirsan G/Bari.

Warar laga helaayo duqeyn diyaaradeed oo gelinkii dambe shalay ka dhacday deegaano ka tirsan Gobolka Bari ayaa sheegaya in duqayntaasi sababtay khasaare lixaad leh.

Deegaanada la duqeyay ayaa waxaa kamid ahaa Timirshe iyo Cameeyra oo hoostaga degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari,iyadoo halkaasi ay Saldhig ku lahaayeen dagaalyahano ka tirsan Daacish,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dhowr Gantaal lagu dhuftay Ceel ay biyo ka dhaansanaayeen Dagaalamayaasha Daacish,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay tilmaameen in duqeyta lagu dilay xubno ka tirsan Daacish oo Caan ka ahaa deegaano ka tirsan Gobolka Bari.

Dhanka kale dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen Jug culus oo dhaceysa,isla markaana ay arkayeen qiiq iyo uuro cirka isku shareertay,hayeeshee ay soo wajahday Cabsi, iyadoo deegaano ka tirsan Gobolka Bari ay Saldhigyo ku leeyihiin  Maleeshiyaadka  Al-Shabaab iyo Daacish.