Ciidamada Booliiska oo xalay Baaritano ka sameeyay Xaafadaha Degmada Waaberi.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxay baaritaano ka sameeyeen xaafadaha degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir.

Baaritaanka ayaa wuxuu si gaar ah kaga dhacay Xaafadaha Buundooyinka oo ka tirsan degmada waabari.

Howlgalkaasi ayaa la sheegay in dad badan lagu soo qabtay Baaritaankii xalay ay ciidamada Booliska ka sameeyeen degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir.

Dhanka kale ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Waabari iyo Taliska Booliska Soomaaliya, iyadoo maalmihii dambe ciidamada Booliska Soomaaliya baaritaano ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobalka Banaadir.