Al-Shabaab oo xalay weeraray Saldhig Ciidamada Dowladda ku leeyihiin G/Sh/Hoose.

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay waxay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada xooga ku leeyihiin duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Sabiib oo ka tirsan degmada Afgooye, iyadoona halkaasi fariisamo ay ku leeyihiin ciidamada xoogga dalka

Dagaalka ayaa wuxuu socday mudo kooban, waxaana duleedka degmada Afgooye laga maqlayay rasaasta ay isweedaarsanayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidamada xoogga oo ku sugaa Saldhig ku yaala deegaabka Sabiib.

Dadka deegaanka ayaa saxaafadda u sheegay in dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Sabiib uu ahaa mid aad u culus, iyadoona hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkii u dhexeeyay ciidamada Xoogga iyo Al-Shabaab.

Dhanka kale deegaanka Sabiib ayaa dhawaan waxaa la wareegay ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab, iyadoona horey halkaasi ay u maamulayeen Al-Shabaab.