Safaaradda Soomaaliya ee dalka Malesia oo fadeexad weyn soo wajahday

Sida aan wada ognahay waajibaadka safaaradaha waxaa ka mid ah in muwaadiniinta ay u fududeeyaan adeegyada ay u baahan yihiin iyo inay ka shaqeyso xirriirka labada dal iyo in ay dhowraan sharafta iyo sumcadda dalka Soomaaliya.

Safaarad waxaa ka reeban inay ku kacdo falal falal wax u dhimi kara sumcadda dalka ay matalayaan waayo fal walba oo ay sameeyaan wuxuu noqonayaa mid loo diiwaan geliyo taasi oo la yiraahdo maalin hebel safaaradda Soomaaliya waxaa ka dhacay falkaas.

Todobaadkii lasoo dhaafay safaaradda Soomaaliya ee Dalka Malaysia waxaa ka dhacay arinta sharaf dhac ku ah anshaxa diblomaasinimo waayo waxaa mamnuuc ah in gacan loo qaado qof diblomaasi ah shaqaale ka tirsan safaaradda ayaa gacan u qaatey qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysia ka dib markuu muran dhanka shaqada uu dhexmaray safiirka iyo qunsulka safaaradda. Shaqaalahaas local staffka ah ayaa waxa uu ka amar qaadanaayey safiirka safaaradda Abukar Abdi Osman Mardaadi taasi oo keentay in safaaradda ay soo gaaraan ciidamo boolis shaqada safaaraddana waqti yar hakad gasho.

Safiirka safaaradda ayaa diblomaasiyiinta safaaradda kula dhaqma sida shaqaale ka shaqeeya ganacsiga isaga uu leeyahay. Dhowr ayaa dibloomaasiyiinta safaaradda, ardayda wax ka baratada dalka Malaysia iyo jaaliyaddaba waxay dacwad ka gudbiyeen safiirka laakiin waxaa difaaca oo wasiirka, ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha gaarsiin waaye wasiir dowlaha oo aan la ogayn xirriirka ka dhexeeya isaga iyo safiirka.

Safiirka Safaaradda Abukar Mardaadi ayaa arday iyo Soomaalida qaxootig ah ka qaada lacago fara badan oo aysan awoodin tusaale halkii baasboor wuxuu ka qaadaa 950 lacagta Malaysia oo u dhiganta 250 dollor halka immigrationka uu u diro 100 dollor fal fiiri farqiga u dhexeeya sidoo kale warqadda ugu yar ee uu sameeyo wuxuu ka qaada 100 dollor taasi oo ah lacag aad u fara badan oo aysan awoodin ardayda Soomaaliyeed.

Dhaqaalahaas faraha badan ee soo gala safaaradda ma jirto wax laga siiyo diblomaasiyiinta ama lagu bixiyo kirada safaaradda waayo kirada safaaradda waxaa soo dira wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Marka laga soo tagay dhaqaalaha safaaradda soo gala uu isaga kaligii isku koobey hadda waxaaba gebi ahaanba shaqada uu u diiday qunsulka iyo dhammaan diblomaasiyiinta kale ee safaaradda.

Waxaa jirta cabashooyin ka imaanaya ardayda, jaaliyadda iyo diblomasiyiinta haddana manjirto meel loo soo marsiiyo si cabashadooda ay usoo gaarto wasiirka arimaha dibadda iyo masuuliyiinta Dalka.